Madaxweyne Lagu Khasbay In Uu Khasnadda Dawladda Ku Soo Celiyo Lacag Uu Ku Dayactiray Gurigiisa

0
482

Pretoria (Geeska)- Xafiiska madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in madaxweynuhu uu wasiirka maaliyadda ee dalka Koonfur Afrika iyo xeer-ilaalinta guud faray in ay soo qiimeeyaan lacagta dowladda ee ku baxday dayactirka guri uu gaar u leeyahay oo ku yaalla miyiga, si uu dib ugu soo celiyo khasnadda kadib markii ay arrintaas abuurtay muran siyaasi ah.

1

Xeer-ilaaliyaha guud ee ee dalka Koonfur Afrika ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2014kii waxa ay madaxweynaha ku eedaysay in lacag qaranku leeyahay uu sifo aan sharci ahayn ku isticmaalay, “Zuma waxa uu sifo sharciga baal marsan lacagta qaranka ugaga faa’idaystay dayactirka gurigiisa, oo ay ku jiraan, xarun martida lagu qaabilo, xero lo’aad, xero digaag iyo barkadda lagu dabbaasho” ayaa ay tidhi xeer-ilaaliye Thuli Madonsela. Waxa aanay intaas ku dartay in gurigaas oo dayactirkiisa ay samaysay Waaxda hawlaha guud ee dalka Koonfur Afrika ay ku baxday lacag qiyaas ahaan u dhigmaysa illaa 24 Milyan oo doolarka Maraykanka.

Xeer-ilaaliya Madonsela waxa ay si adag ula hadashay madaxweyne Zuma oo ay ka dalbatay in uu lacagtaas dib ugu soo celiyo khasnadda qaranka, “Zuma waxaa waajib ku ah in uu dib isaga bixiyo kharashka ku baxay, dib u cusboonaysiinta aan muhiika ahayn ee gurigan” ayaa ay tidhi, laakiin bilowgii madaxweyne Zuma waxa uu diiday in uu wax tallaabo ah oo sharciga ku qaldan qaaday.

Tan iyo markii uu hadalkani ka soo baxay xeer-ilaaliyaha dalka Koonfur Afrika waxa arrintan si adag baarlamanka dalka ugaga hadlay xisbiyada mucaaradka, oo madaxweynaha ku dhalleeceeyey in uu diiddan yahay in lacagtaas uu dib ugu soo celiyo dawladda, waxa aanay aakhirkii ku adkaysteen in haddii aanu lacagtaas dib u soo celin in ay qasi doonaan khudbaddiisa sannadlaha ah ee baarlamanka oo uu dhowaantaa jeedin lahaa.

Laakiin ugu dambayntii cadaadiskaasi waxa uu keenay in salaasadii toddobaadkii hore uu xafiiska madaxtooyada ee dalka Koonfur Afrika soo saaro warkan uu ku sheegayo in Madaxweyne Zuma uu wasiirka maaliyadda, xeer-ilaalinta iyo haayadaha kale ee ku shaqada leh ku amrayo in ay lacagta ku baxday dayactirka gurigiisa soo qiimeeyaan, si muranka loo soo af jaro madaxweynuhuna dib isaga bixiyo lacagta.

Hadalkan madaxweyne Zuma ku ballan qaaday in uu lacagtaas dib isaga bixinayo ayaa yimid iyada oo ay maalmo ka hadhsan yihiin ballaanta ay maxkamadda dastuuriga ah ee Koonfur Afrika u astaysay in 9ka Feebarwer oo salaasada maanta ah ku beegan ay dhegeysato dacwad ay laba xisbi siyaasi ku doonayaan in sharciga loo eego lacagta uu madaxweynuhu gurigiisa ku hagaajistay. Waxa aanay u muuqataa in uu Zuma doonayo soo afjaridda fadeexadda labadii sano ee u dambeeyey lugta qabata xukuumaddiisa.

Muxuu sharcigu u ogol yahay madaxweyne, muxuuse isagu ku doodayaa?

Sharciga dalka Koonfur Afrika waxa uu madaxweynaha u ogol yahay in kharash kasta oo ku baxa dayactirka iyo wanaajinta kaabayaasha amniga ee gurigiisa gaarka ah iyo noloshiisa laga bixiyo khasnadda dawladda, waxase hadda uu muranku ka taagan yahay kharashka hadda hawlaha guud ku bixisay dayactirka guriga madaxweyne Zuma ma’ yahay kii sharcigu u ogolaa, mise waa dhisme aan amniga khusayn. Isagu waxa uu ku doodayaa in sharcigu u ogol yahay oo tusaale ahaan in barkadda dabbaashu ay sidoo kale faa’iido u leedahay dab-damiska haddiiba guriga dab qabsado, taasina ay soo gelayso amniga madaxweynaha. Laakiin xeer-ilaaliyaha oo hadda u muuqda in uu muquuniyey sheegashada Zuma ayaa iyadu ku doodaysa in dayactirka dhinacyada aynu soo xusnay ee guriga madaxweynaha lagu sameeyey aanay wax xidhiidh ah amnigiisa la’ lahayn, sidaa awgeed aanu xaq u lahayn in uu kharashka ka bixiyo khasnadda dowladda, imikana waajibka saarani uu yahay in lacagtaas la eego, oo wixii aan ku bixin arrin amniga toos ula xidhiidha uu dib isaga bixiyo.

Madaxweynaha saaxiibbadii oo sheegay in ay Qaadhaan u ururinayaan madaxweynaha:

“Haddii caawimo shakhsi ah, uu naga doono, sidii aanu horeba ugu taageeri jirnay ayaa aanu imikana uga qaadhaami doonnaa bixinta deyntaas” sidaa waxaa yidhi ganacsade lagu magacaabo Don Mkhwanazi oo ka mid ah madaxweynaha saaxiibbadii, waxase uu ku adkaystay in madaweynuhu aanu wax dembi ah gelin, balse sababta uu qaantan u qaatay ay tahay keliya si aan looga rabshin dadaalka uu doonayo in uu kaga shaqeeyo danaha dalka.

Urur la baxay Jacob Zuma oo ay ku jiraan ganacsato iyo maalqabeen badan ayaa sheegay in madaxweynaha ay u qaadhaamayaan, iyaga oo horena madaxeynaha uga bixiyey kharashaadka uu iskaga bixiyey dacwad maxkamadeed oo hore uu isaga difaacay mar ay eedo musuq-maasuq u soo jeedisay.

Madaxweyne Zuma oo leh Afar xaas iyo 20 carruur ah inta la og yahay ayaa hore u muujiyey xiisaha gaarka ah ee uu u qabo gurigiisan oo ah kii uu ku dhashay, kuna soo barbaaray.