Ban Ki Moon Oo Ammaanay Doorka Edna Aden Ee La Dagaalanka Gudniinka FGM

0
584

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa marwo Edna Aden Ismaaciil ku ammaanay doorka ay kaga jirto la dagaalanka gudniinka fircooniga ah ee FGM loo yaqaano.

1

Xoghaye Ban Ki Moon, ayaa khudbadii uu jeediyay maalinta 6 February ee la dagaalanka gudniinka fircooniga ah, wuxuu si gaar ah ugu soo hadal qaaday Edna Aden, oo uu sheegay inay shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala cisbitaalka Edna u tababartay inay la dagaalamaank gudniinka fircooniga ah, “Waxaan ku faraxsanahay hawsha shaqaalaha caafimaadka, sida Edna Aden oo kale oo ah aasaasaha cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee ku yaala caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ku adkaysatay inay qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadku si wanaagsan diyaar ugu haadaan inay la dagaalamaan gudniinnka fircooniga ah.”

Mr. Ban Ki Moon, wuxuu intaas raaciyay in marwo Edna Aden dalka Somaliland ka hirgelisay cisbitaal wax weyn ka bedelay baahidii caafimaad, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka, waxaanu hambalyo iyo ammaan u soo jeediyay marwo Edna Aden Ismaaciil.