Aragtida Dr. Cabdi Aw Daahir Ee In Qaddiyadda Somaliland La Geeyo Maxkamad Caalami Ah

0
498

Siyaasaadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo wadahal lala galo Somaliya waa mid loo raacay tubtii fiicnayd, waana bilaw wanaagsan. Siyaasaddu kacaakuf way leedahay. Hakkadkaa galay uma arko dhib, waxaana keenay mawaaqiifteena aadka u kala fog ee innaga iyo Somaliya. Aadna waa loo dedaalay .Wada hadalku waa inaanu xidhmin .

1

Waxaan ku talin lahaa arrimahan soo socda

1. Waa inaan waqti , hawl iyo lacag lagu lumin maxkamadda Caalamiga. Go'aan Xaakim laguma helo aqoonsi .

2. Waa in maamulkeenna iyo wax wada qaybsigeennu iyo wadahadalkeennu ku fidaa daafaha Somaliland gudaheena. Waa asaaska u bud-dhig ah aqoonsiga.

3.waa in xuduudaha la sugaa.

4 . Waa in Aynaan joojin, kana xagaldaacin siyaasaddii aynu furnay ee wadahdalka Somalia, innaga oo aan ka tanaasulayn mawqifkeena. Waqti kasta haynagu qaadatee. Waana (legacy )lagu xasuusanaayo Madaxweyne siilaanyo . Waxaan qabaa waa tiir-dhexaadka aqoonsiga. Hawl iyo waqti badan halkaas ha la galiyo

Waxaan dhammaan hawlwadeenada ka hawgalaaya arrimaha aqoonsiga u rajaynayaa in alle hawsha u fududeeyo. Waase in aanay arrinka maxkamadda Caalamiga ah loo arag Siyaasad haba yaraatee beddeli kara Tubteennii wadahadalada, oo ah Dariiqa ugu mudan ee aqoonsiga, haba adkaadee.

Dr. Cabdi Aw Daahir Cali