Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Oo Casuumad Loogu Sameeyey Gabiley

0
509

Gabiley (Geeska )- Guddoomiyaha, murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa casuumad ballaadhan loogu sameeyey magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley shalay, halkaas oo uu markii dambena kulamo kula yeeshay qaybaha bulshada ku dhaqan.

1

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka kooban xubnaha hoggaanka xisbiga, wasiirro xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Warshadaha, Ganacsiga, Beeraha, Caddaaladda, Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Wasiiru-dawlaha Waxbarashada iyo Agaasimaha Fulinta ee Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka, xildhibaanno ka mid ah Baarlamanka iyo masuuliyiin kale, ayaa booqasho ku tagay magaalada Gabiley maanta, kadib markii maamulka heer gobol iyo degmo ee Gabiley halkaas ku casuumeen murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Maayarka degmada Gabiley Md. Maxamed-aamiin Cumar Cabdi iyo masuuliyiin kale oo wehelinayey, ayaa ku qaabilay weftiga Kaantaroolka dhanka bari ee Gabiley oo ay ku soo dhaweeyeen, kadibna waxay u galbiyeen guriga Madaxtooyada ama Martida ee gobolka oo loogu sameeyey casuumad qado ah.

Maayarka Degmada Gabiley Md. Maxamed-aamiin Cumar Cabdi oo ka hadlayey xog-warran kooban oo warbaahinta lagu siiyey guriga Martida, ayaa sheegay inay si farxad iyo maamuus leh ugu soo dhawaynayaan weftiga Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo iyagu ay ku martiqaadeen casuumad ay u sameeyeen, taas oo uu uga mahadceliyey sida uu uga aqbalay.

“Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynuhu martiqaad gaar ah buu noogu yimi ee maaha safar shaqo iyo mid sidii gobollada kale uu u tagi jiray ah, haddana waydun arkaysaan farxadda iyo rayn-raynta shacabka Gabiley ku dhaqan ka muuqata, taasina waxay ka turjumaysaa jacaylka iyo taageerada ay ula diyaarka yihiin murrashaxa Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE,” ayuu yidhi Maayar Maxamed-aamiin.

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa isna xusay in ujeeddada casuumadda ay ugu sameeyeen Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda wehelinaysa tahay sidii la iskaga xog-waraysan lahaa xaaladda gobolka ee abaarta, diiwaangelinta ku soo socota iyo arrimo kaleba. “Gobolkani maaha mid uu xisbiga KULMIYE olole u yimaado ee waa gobol aannu hubno in aqlabiyadda dadka joogaa ay taageersan yihiin xisbigaasi oo keliya, maanta madaxdiisu waxay u socdaan is-xaalwaraysi.

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka mahadceliyey casuumaddaasi, isagoo dhanka kalena tilmaamay xidhiidhka taageero ee ka dhaxaysa xisbiga iyo reer Gabiley, waxaannu yidhi, “Gobolka Gabiley waa gobollada uu ku abtirsado KULMIYE, waxaannu xisbiga u yaqaan gobolka guusha KULMIYE oo waxaaba la yidhaa waa Florida (gobol ku yaal Maraykanka) KULMIYE.”

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq kadibna u duceeyey Gobolka Gabiley iyo guud ahaan dalkaba in Alle ka soo jebiyo abaarta lagu jiro, waxaannu si kooban u xasuusiyey muhiimada diiwaangelinta u leedahay waddanka iyo inay u diyaargaroobaan hawlaha doorashada ee soo socota.

Intaasi kadib, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay cuqaasha iyo odayaasha Gobolka, haweenka iyo dhallinyarada magaalada, kuwaas oo ay iska xog-waraysteen xaaladdaha gobolka ee dad iyo duunyo, abaarta iyo gurmadkeeda iyo u diyaargarowga diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka soo socda.

Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha iyo cuqaasha & odayaasha Gabiley oo ahaa mid ballaadhan oo qaatay saacado badan, isla markaana warbaahintu dibadda ka joogtay, waxa markii uu dhammaaday faahfaahin ka bixiyey masuuliyiinta iyo xubno odayaasha ka mid ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Shiine iyo Maayar Maxamed-aamin, ayaa sheegay in kulanku ku dhammaaday guul iyo isfaham buuxa oo odayaasha iyo weftiga KULMIYE kaga wadahadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin isu diyaarinta iyo hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo in laga wadahawlgalo gurmadka abaarta iyo weliba dardaaran odayaashu fareen Murrashaxa Madaxweynaha.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan iyo Caaqil Cabdillaahi Qallinle oo ka mid ahaa odayaasha kulanka ka qaybgalay, ayaa soo dhaweeyey natiijada uu ku dhammaaday, iyagoo hambalyo iyo dhiirrigelin la xidhiidha diiwaangelinta u kala diray Gobollada Togdheer iyo Awdal.

“Guddoomiye, waxaannu kugu dardaaraynaa oo aad nagu matashaa caddaalad iyo Somaliland oo aad sinto oo aad noqoto madaxweynihii la yidhaa wuu caddaalad sameeyey, waxa kaloo aannu kugu dardaaraynaa socodka hadda aad wado ee hawsha diiwaangelinta bilaabantay sidii aad u wadatagi lahayd gobollada dhammaantood, waayo adigay ku sugayaan oo madaxweynihii mustaqbalka ah In Shaa Allah.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Cabdillaahi Qallinle, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Gobollada Awdal iyo Salal waxaan leeyahay, waxa la leeyahay Somaliland waa Bari iyo Galbeed, markii hore madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenku waxay kala ahaan jireen Galbeed iyo Bari, laakiin maanta labadiiba innaga ayey isku keen raaceen oo waaba la innagu xamanayaa arrintaa, markaa walaalayaal waxaan idin leeyahay xantaasi aynu ka dhabayno.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale uga ka mahadceliyey kagacalka iyo yuhuunta madaxda iyo dadweynaha Gabiley ku qaabileen, waxa kaloo uu ballanqaaday inuu fulin doono dardaaranka odayaashu u jeediyeen, “Cuqaasha, salaadiinta iyo odayaashu hadalka dardaaranka ah ee ay i yidhaahdeen ee farriinta waalidnimo ah waan qaatay, Ilaahay idilkiina waan ku dhaqmi doonaa, idinkuna (odayaasha) dardaarkaa waad ila dabajoogaysaan, waanad igu ilaalinaysaan in Somaliland caddaalad lagu dhaqo oo wax loogu qaybiyo oo Soomaalida dhaqankeeda ninka wax qaybiya ayuun baa is-qadiyee, wax walba sidaa aad tidhaahdeen gobollada kale u hormari ayaa inoo ballan ah,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.