Dumarka Oo La Ogaaday In Ay Ragga Kaga Badan Yihiin Hammaansiga Iyo Sababta Loo Tirinayo

0
686

Roma (Geeska)- Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in qofku uu hammaansado marka uu arko qof kale oo hammaansanaya, ama xitaa marka uu ka fikiro hammaansi ama uu akhriyo. Waxaa iyadana la ogyahay in hammaansigu uu u kala gudbi og yahay dadka saaxiibbada ah ee wada jooga ama xubnaha isku qoyska ah, si ka badan si uu ugu kala gudbo dadka qariibka isku ah ee meel isugu yimaadda.

Daraasad dhowaan soo baxday ayaa iyaduna daahfurtay in hammaansigu uu gabadha uga hor gudbi og yahay ninka, taas oo ah in ninka iyo gabadha wada arka ama meel la wada jooga qof hammaansaday ay u badan tahay in gabadhu ay hor qaadi og tahay hammaansigaas, sababtuna waa in gabadhu ay caadi ahaan ninka kaga badan tahay shucuurta u calool dabaca iyo beer nugaylka, sidoo kale shucuurta hooyonimo ee nafsiyan si dabiici ah gabadha ugu beeran ee ah xannaanaynta iyo naxariista ayaa ay khubaradu sheegeen in ay tahay sababta hammaansigu uu gabadha ugu hor gudbi og yahay.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Pisa ee dalka Talyaaniga oo baadhistan sameeyey ayaa aaminsan in arrintani ay ina tusayso kala duwanaanshiyaha abuurta ah (Bayooloji) ee labada jinsi iyo heerka awooddooda dhinaca naxariista iyo shucuurta beer nugaylka iyo xitaa awoodda uu jinsi kastaa u leeyahay fahamka shucuurta qofka kale iyo dareen la wadaagistiisa.

Tijaabooyin lagu sameeyey hammaansiga rag iyo dumar loo fiirsaday xilli ay ku jiraan xaalad shaqo oo dabiici ah iyo munaasabado bulsho oo kala duwan iyaga oo aan ogeyn in loo fiirsanayo, waxa ay khubaradu ku ogaadeen in ninka iyo gabadha arka ruux kale oo hammaansanaya ay u dhowdahay in gabadhu markaba iyaduna hammaansato, ama kaga horreyso ninka.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daraysa, in daraasado hore loogu sameeyey dad iyo xayawaan kala duwani ay muujiyeen in gudbista hammaansigu ay inta badan si weyn ugu xidhan tahay nooca xidhiidh ee ka dhexeeya qofka ama xayawaanka hammaansaday iyo qof ama xayawaanka kale ee ka  qaadaya, taas oo ay culimadu ku macneeyeen in kala qaadista hammaansigu ay aalaa ku imanayso ilaalinta isku-dhibirsanaanta iyo isu calool dabaca bulshada ama noolaha kale ee xidhiidhku ka dhexeeyo, gaar ahaan inta isku qoyska ah iyo asxaabta.