Seedo Xanuunku Waa Calaamad Uu Qofku Ku Garan Karo In Uu Qabo Cudurka Macaanka Noociisa Labaad

0
954

London (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad ayaa daahfuray in jimicsigu uu muhiim u yahay xakamaynta macaanka noociisa labaad, laakiin uu cudurkan macaanku keeno seedo xanuun laga yaabo in qofku uu dartii isaga daayo jimicsiga.

Cilmibaadhayaal caafimaad oo arrintan baadhis ku sameeyey ayaa ogaaday in dadka qaba cudurka macaanka noociisa labaad ay seedo xanuunka saddex laab kaga badan yihiin dadka caadiga ah ee aan macaanka qabin. Jamie Jayda oo madax u cilmibaadhayaasha Reuters Health ayaa isaga oo arrintaas ka hadlaya yidhi, “Dadka qaba macaanku waxa ay inta badan isku arkaan seedo xanuun” Waxase uu Jayda ka dhawaajiyey in qofka aan macaanka qabin oo seedo xanuun iska arka qudheeduna ay tahay xaalad lagu garan karo in qofkaasi uu qabo cudurka macaanka oo aanu isku ogeyn ama halis u yahay, isaga oo arrintaas ka sii hadalayana waxa uu yidhi, “Dhinaca kalana, dadka seedo xanuunka badan isku arkaa, waa kuwa ugu badan ee uu macaanku ku dhaco iyaga oo aan is ogeyn”

Jamie Jayda oo Jaamacadda Canberra ee dalka Ustareeliya ka dhiga daweynta dabiiciga ah ayaa sheegay in dadka macaanka qaba ay waajib ku tahay in ay jidh ahaan firfircoonaadaan, waayo jimicsiga ayaa ka mid ah siyaabaha ugu fiican ee loo daweyn karo macaanka.