Shirkadda Soo Saarta Gaadhiga Zica Oo Magaca Ka Beddeshay Cudurka Soo Dhowaan Baxay Dartii

0
545

1111111111111Delhi (Geeska)- Shirkadda baabuurta ee TATA Motors oo xarunteedu tahay dalka Hindiya ayaa sheegtay in ay magaca ka beddelayso baabuur cusub oo ay doonaysay in ay toddobaadkan suuqyada gaadiidka dunida so ogeliso, kadib markii baabuurkan qaaliga ah magaca loo bixiyey isku ekaadee magaca caabuqa dhowaanahan si argagax leh ugu sii fidaya dalal u badan Koonfurta Ameerika.

Warmurtiyeed uu Geeska Afrika turjumay oo shabakadda wararka ee Blumberg Salaasadii ka soo xigatay shirkadda ayaa lagu caddeeyey in si ay shirkaddu calool dabac ugu muujiso dadka ku waxyeelloobay cudurka Zika ay go’aansatay in ay beddesho magaca gaadhigan kuwa raaxada ah.

Shirkadda TATA ayaa qorshaheedu ahaa in ay jimcihii shalay gaadhigan ku soo bandhigto magaalada Delhi ee caasimadda dalka Hindiya, laakiin hadda munaasabaddaas waa la baajiyey ballan dambe ayaana laga sugayaa in ay shirkaddu sheegto si ay suuqa u soo geliso baabuurkan oo sita magac kale.

Haayadda caafimaadka adduunka aya Isniintii toddobaadkii hore ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dunida oo dhan ah, kadib markii ay aad u xoogaysatay cabsida laga qabo in Caabuqa Zika uu sabab u yahay xaaladaha khalkhalka dhinaca abuurta ah ee lagu arkay carruur badan oo toddobaadadii u dambeeyey ku dhalanayey Koonfurta Ameerika.

Dalka Brazil ayaa bishii Oktoobar ee ina dhaaftay ka digay in si aan caadi ahayn ay u sii badanayaan ubadka madaxa yar ee dhalanayaa, tan iyo dhawaaqaa intii ka dambaysayna waxaa la diiwaangeliyey 270 xaaladood oo ah ubad dhashay oo madaxoodu indhaha dushooda ku joogo, halka la tuhunsan yahay in tiradu ay dalkaas oo keliya gaadhi karto illaa 3’448 carruur ah. Tiradaas oo sannadkii 2014ka oo dhanna ahayd 147 carruur ah.

Noocyo ka mid ah kaneecada, sida ta lagu magacaabo Kaneecada Tiger Mosquito oo aad ugu badan qaaradda Eeshiya iyo Koonfurta Maraykanka iyo sidoo kale kaneecada Zika ama Saacij sida ay carabtu u taqaanno oo aad ugu badan dalalka Carabta iyo Qaaradda Afrika, waxa aanay kaneecadani iinta badan dadka qaniintaa xilliga maalintii. Xanuunka Zika waxa uu leeyahay calaamado aad ugu dhow kuwa hargabka caadiga ah, sida xummad, madax xanuun iyo xubnaha / xaglaha oo qofka xanuuna, mana’aha xanuun dhimasho keena, waxase la aaminsan yahay in haddii uu qaniino hooyada uurka leh uu ku keeno in ilmuhu abuur ahaan khalkhal ku dhaco, gaar ahaan madaxa oo inta caadiga ah ka yaraada ama ku joogsada sunnayaasha dushooda.

Ilaa hadda dawo rasmi ah looma hayo cudurkan, haayadda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegaysaa in soo saarista tallaalka cudurkani ay u baahan tahay ugu yaraan hal sano.