Qisada Bilowgii Adeegga Baahinta Talefishanka Iyo Saamayntii U Horreysay Ee Uu Ku Yeeshay Siyaasadda

0
596

1111111111111London (Geeska)- Adeegga baahinta joogtada ah ee Talefishanka waxaa dalka Ingiriiska laga hirgeliyey sannadkii 1936kii, waxa aanu qayb ka ahaa adeegga Idaacadda dalkaas ee BBC oo ah haayaddii warbaahineed ee ugu horreysay ee baahisa warar maqal iyo muuqaal ah oo si toos ah looga daawanayo Istuudyaha.

Sannadihii Kontameeyadii ayaa ay xeeldheerayaashu aaminsan yihiin in ay yihiin casrigii dahabiga ahaa ee baahinta Talefishanka. Waxaa xilligaas jiray tartan aad u kulul oo dhinaca baahinta Talefishanka ah, gaar ahaan waxa uu u dhexeeyey shirkadaha warbaahineed ee Maraykanka ugu waaweynaa oo ahaa NBC, CBS, ABC, sidoo kale isla sannadahaas waxaa markii ugu horreysay dalka Maraykanka ka bilowday in ol’olayaasha doorashooyinka laga baahiyo talefishannada.

Saamayntii Talefishanku bilowgiiba siyaasadda ku yeeshay:

Dabayaaqadii Kontamaadkii qarnigii hore ka hor, doodaha murashaxiinta jagada madaxweyne ee dalka Maraykanka waxa uun lagala socon jiray idaacadaha iyo wargeysyada, sidaa awgeed murashaxiinta waxaa lagu qiimayn jiray cod karnimada iyo aqoonta oo keliya, laakiin tartankii dhacay xilligaas ay talefishannadu soo baxeen, gaar ahaan doodihii siyaasiga ahaa ee dhex maray labadii murashax ee John F. Kennedy iyo Richard Nixon, waxaa la aaminsan yahay in talefishanku qiimayntii ku soo daray in dhinaca muuqaalkana laga eego murashaxiinta. Sidaa awgeed talefishanku waxa uu cod dheeraad ah u soo hooyey John F. Kennedy oo ahaa nin aad u qurux badan, jooggiisa, qaab-dhismeedkiisa iyo hubqaadkiisa dhinaca labbiskuna aad u sarreeyaan. Waxa aanay khubaro badani aaminsan yihiin in sababtaas uu Kennedy kaga badiyey Nixon, talefishankuna ahaa ka keenay sababta, oo haddii aan la arkayn sidii ay hore u ahaan jirtay ay u dhoweyd in Richard Nixon guulaysan lahaa.

Sannadkii 1935kii, dadka Jarmalku waxa ay markii ugu horreysay arkeen adeegga baahinta Talefishanka, laakiin haddana sababtat Ingiriiska loo siiyey bilowgu waa dhinaca joogtaynta baahinta toos Istuudyaha loogala soconayo, Faransiiskuna waxa uu si habsami ah u bilaabay sannadkii 1939kii, dhinaca Qaaradda Eeshiya, dalka Jabaan ayaa sannadkii 1939kii bilaabay baahinta Talefishanka oo laakiin tijaabo uun ah, waxaana laga sii deyn jiray uun barnaamijyo iyo filimo taxane ah oo dadka gudaha uun loogu talogalay. Dhinaca Carabta marka aynu eegno Talefishanka dalka Ciraaq ayaa ah kii ugu horreeyey ee hawada si toos ah warar uga baahiya, waxa aanay ahayd sannadkii 1956kii.