Khatarta Caafimaad Ee Isticmaalka Sonkorta Dadka Macaanka Qaba (Diet Sugar) Oo Dalka Ku Soo Badanaysa

0
620

1111111111111Washington (Geeska)- In badan dhakhaatiirtu waxa ay ka digaan sonkorta oo lagu tilmaamo cuntada ugu khatarta badan dhaawacista caafimaadka guud ee qofka, sidaa awgeed waxaa marba marka ka dambeeya soo badanaya dadaallo ay dadku ku raadinayaan wixii ay ku beddelan lahaayeen, gaar ahaan waxaa soo badanaya isticmaalka sonkor la sanceeyo oo Afingiriisga lagu yidhaahdo Diet Sugar. Haddaba su’aashu waxa ay tahay, sonkortaas la sanceeyaa boqolkiiba 100 caafimaad ahaan ma lagu kalsoonaan karaa, maxaase sabab u ah in cilmibaadhisaha qaarkood ay ka digaan isticmaalkeeda? Arrintaas waxaa ka jawaabaya daraasadahan.

Cilmibaadhayaal ka tirsan xarunta Daraasaadka Kansarka ee Anderson oo ah laan ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa caddeeyey in isticmaalka badan ee sonkorta Diet ka ah iyo in lagu daro bunka ama shaahu ay kaalin weyn ka qaadato koritaanka iyo dhalashada burooyinka kansar ee ku samaysma naaska iyo sambabka.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo natiijadeeda lagu baahiyey cadadkii ugu dambeeyey ee Joornaalka cilmibaadhista Kansarka Cancer Research Journal ayaa lagu sheegay in tijaabooyin kadib ay xeeldheerayaashu xaqiiqsadeen in sonkorta noocan ahi ay kaalin aasaasi ah ka qadato in jidhku soo saaro dheecaanno (Enzymes) sahla burooyin kansar oo ku dhasha sambabada iyo naaska gudihiisa.

Xeeldheerayaashani sheegeen in sonkorta Diet Sugar marka la eego sababtan ay ka khatar badan karto sonkorta caadiga ah. Sidaa awgeed qofka macaanka leh waxaa u fiican in uu gebi ahaanba ka tanaasulo isticmaalka sonkorta halka uu ka isticmaali lahaa sonkor khatar u ah in ay ku keento xaalado kaba xun ta macaanka ee uu ka cabanayo.

Waxa iyaguna jira cilmibaadhiso kale oo sheegaya in sonkortan ay aadka u isticmaalaan dadka macaanka qaba iyo kuwa miisaanka la dagaallamaya, dalkeenana muddooyinkii dambe isticmaalkeedu ku soo badanaysa maaddooyinka laga sameeyo ay ka mid yihiin kuwo kiimikaad oo aan dabiici ahayn, waxa aanay dhaawac gaadhsiiyaan dhammaan shaqooyinka jidhka, iyaga oo u nugleeya kansarka maskaxda, dhiigga iyo qanjidhada Lymph Gland oo muhim u ah hab-dhiska difaaca jidhka. Sonkortan waxyaabaha laga sameeyo waxaa ugu muhiimsan maadadda Aspartame oo keenta khataro caafimaad sida Kansarka, xusuusta oo qofka ka lunta iyo xanuunno kale oo khatar badan, sidoo kale qofka macaanka qaba waxa ay ku keeni kartaa khatarta ah in macaankiisa dhiiggu mar keliya si xad dhaaaf ah hoos ugu dhaco taasina ay keento in uu xaalad miyir-beel galo (Kooma), cudurka khatarta ah ee Systemic Lupus Erythematosus (SLE) oo keena in hab-dhiska difaacu uu fallaagoobo oo halkii uu cudurka difaaci lahaa ku soo jeedsado burburinta unugyada muhiimka ah ee jidhka.