Guddoomiye Baashe Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Ay Somaliya Ku Xayirayso Diyaaradaha

0
477

Hargeysa(Geeska)-Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay dawladda Somaliya ee ku saabsanaa xayiraada isku socodka Diyaaradaha ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in go’aankan aanu wax dhib ah u keenayn Somaliland balse uu Somaliya dhib ku yahay.

1111111111111

Guddoomiyaha ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo shalay shir jaraa’iid qabtay ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo fuliyo hirgelinta go’aankan, waxaanu tilmaamay inuu go’aankan uu soo dhaweeynayo, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Wax dhib ah oo Somaliland ugu jiraa ma jiraan waxaana aan soo jeedin lahaa arintaasi waa ictiraaf hortii Gaafow hadaladii uu ku hadlaayey waxaa weeye oo u yidhi diyaaraduhu waa in ay local noqdaan ama waa international noqdaan markaa diyaaradaha inoo dhaxeeya waa heer caalami , laba dal oo walaalo ah oo daris ah beynu nahay hadii aanay iyagu rabin wax faa,ido ah oo awal inoogu jiray ma jiraan dadkeenuna xamar mey aadi jirin ee iyaga ayaa iman jiray halkan waxaana aan soo jeedinayaa bisha 20 keedu wey fogtaye in la soo qadimo oo laga dhigo bisha 10 keeda wakhtiga uu amarkaasi dhaqan galaayo “

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlaayey Ganacsatada waxa uu yidhi  “Dadka ganacsatada ahi waa ay yaqaanan meesha ay marayaan wadooyinka ayey marayaan markaan waxaan soo jedinayaa in la soo qadimo oo laga dhigo wakhtiga diyaaradaha la xidhayo bisha 10 keeda xidhitaanka hawadana Somaliland wax dhibaato ahi ugma jirto waagii wada hadalkana iyaga ayaa codsan jiray in la isku furo isku socdo arintaasna waa in buun buuniska laga daayo “