Madaxweyne Shicibka Yaan La idiin Dhaxayn Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed

0
461

Aan ku bilaabo Magaca Allaha Weyn ee Naxariis Guud iyo Mid Gaarba leh. Waxa maalmahan socday fidno ku saabsan dhulka tiyaatarka oo xukuumaddii hore ay siisay Ganacsade Cumar Ceydiid, si uu maalgashi ugu sameeyo una qurxiyo. Waxase nasiib darro ah, in barxadii gawaadhida la dhiganayay  ee dhismahaasi quruxda badan oo qiime badan iyo maalgashi badan ku taagan ganacsadahaasi, dalkana bilic iyo shaqo abuur kusoo kordhiyay  la siiyay cid kale. Cumar Ceydiid,  sida ganacsato badan oo kale oo hore dhul dawladu u siisay loo raaciyay Baarkino waliba dad looga raray ayuu dhismaha Cumarna ugu baahan yahay oo aanu baarkin uga maarmin. Umadda in la isku dilo maaha, fidno aan dalka jirina in la abuuro oo la kiciyo ma wanaagsana. Madaxweyne waxa ay dawladuhu ku dumaan marka dadkooda loo dhaxeeyo ee la kala dilo, waxaan kaa codsanayaa in aad indhahaaga kusoo aragto oon lagaaga sheekayn goobtan dhismaha uu ka wado ganacsade Cumar Caydiid ee ay dhibtu ka jirto.

1111111111111

Wax garadka, aqoon yahanka, culimadda waxa wanaagsan in ay arintani laga hortago lagana hadlo, si aanay amnigu inooga xumaan. Fidnaddu way hurudaa, ciddii tawsinaysa fidno hurudda waxa wanaagsan in  shacab iyo dawladba la iska qabto. Soomaaliland waxa ay kusoo caano maashay oo halkaa maanta aynu ku soo gaadhnay waa iska qabashada qofka qaldan, yaan tii maanta la doc faruurin, dadkana loo horseedin in nin kasta daaradiisa inta la bixiyo nabadgelyo darro ka dhacdo. 

Aniga og Madaxweyne in aad aaminsan tahay in qofka qaldan la qabto, ka qumana la quweeyo, ka qatana la quudiyo waxaan mar labaad kaa codsanayaa in aad soo eegto goobtaasi.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Cumar Xasan Guuleed

Guuleed Hotel