Col. Cumar Nimcaale Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Mujaahid Cali-Gurey Sheegay

0
589

Hargeysa(Geeska)-Col. Cumar Maxamuud Nimcaale, oo soo noqday wasiirada gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha, ayaa aad uga damqaday hadal uu dhawaan baahiyay siyaasiga caanka ah ee Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), kaas oo la xidhiidhay Baasaboorka Somaliya.

1111111111111

Col. Nimcaale, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ka naxay hadalka uu Cali-Gurey yidhi, isagoo Cali-Gurey ku tilmaamay siyaasi iyo mujaahid dalka abaal ku leh, “Hadalka uu Cali Gurey ku sheegay in loo baahanyahay in Somalialnd laga furo xafiis bixiya baasaboorada Somaliya, runtii aad iyo aad ayaan uga naxay, waanan rumaysan waayay inuu Cali-Gurey yahay. Cali oo ah nin aad u ixtiraamo oo ka mid ay siyaasiyiinta waaweyn ee mujaahidiinta ah, wuxuu hadalkiisaasi wax yeelayaa qaddiyadda Somaliland, umadda reer Somaliland iyo aniguba kamaanu filayn inuu hadalkaas oo kale ku hadlo Cali-gurey.”

Wuxuu Nimcaale, sheegay in xafiis baasaaboor dawladda Somaliya leedahay oo Somaliland laga furaa uu dhaawacayo qaddiyadda islamarkaana uu kor u qaadayo dhaqaalaha dawlada Somaliya, “Baasaaboorkeena waxa lagu tagaa wadamo badan, waana inaan ka sii shaqaynaa in dalal kale oo badan laga dhaadhiciyo, laakiin in baasaboorka Somaliya aynu aqoonsanaa wuxuu dhiirigelinayaa cadowgii Somaliya.”

Ugu dambayn isagoo Cali Gurey la hadlaya wuxuu yidhi, “Markii Cali hadalkaas sheegay waxaan arkay dad badan oo aad uga cadhooday oo lahaa waa inuu Cali istaaqfurulaystaa. Markaas Cali-Gurey, waxaan leeyahay Caliyoow kaamaanu filayn inaad hadalkaas tidhaahdo, waxaanan leeyahay Alle u toobad keen oo ka noqo waxaad tidhi oo intaad laba rakcadood tukadid waa dembi weynee ka istaaqfurulayso, Faysal Cali Waraabena waxaan leeyahay muwaadin aan xagga Somaliland laga marin ayaan kuu aqaanaa, waxaan kugula talinayaa inaad deg deg arrinkaas Cali Gurey xisigaad ka fogaysidoo aad umadda u cadaysid inuu yahay hadal Cali ku gooniya oo aan siyaasaddaya xisbigaaga ahayn.”