Dawladda Somaliya Oo Ka Noqotay Xayiraadii Hawada Somaliland Iyo Somaliya

0
493

Muqdisho(Geeska)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dawladda Somaliya  Cali Axmed Jamac “Jangeli” ayaa meesha ka saaray go’aan ay isla dawladoodu sheegtay inay ku joojinayso diyaaradaha u kala goosha caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

1111111111111

Mr. Jengeli oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Ma jiraan wararka sheegayo in la xirayo Duulimaadyadaasi” ayuu Wasiir Jangeli sheegay, isagoo intaas raaciyay, ““Wax la joojiyay ma jiraan, hawshaasi waa hawl isaga u gaar ah, diyaarado la joojiyay ma jiraan.”

Dawladda Somaliya ayaa u muuqata inay ka noqotay hadal qoraal ah oo uu toddobaadkan soo saaray agaasimaha waaxda socdaalka Somaliya Mr. Gaafow, kaas oo uu ku sheegay in dawladda somaliya joojinayso dabayaaqada bishan Febarwari duulimaadyada Hargeysa iyo Muqdisho.