Aqoonyahanka QALINKA DAA’UUD Oo Si Adag Uga Hadlay Qadiyadda Tiyaatarka Hargeysa

0
463

Mudane Madaxweyne, Hadalka ina waa dubaax ina waa tumaati. Haddii gobonimadii aad nagu amaanaysay shalay garashadeeda yeelankari-weyday, maanta tudhaale hadalkii way soo dhaaftay waxaanan kugula hadlaynaa luuqada aad fahmayso ta ugu adag.

Goolaha Qalinka Daa’uud wuxu halka kan bayaan iyo baaq wadajira uga gudbinayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa gabal-dhaca ah. Nuxurka baaqani wuxu daaranyahay Cadaalad-darada qaawan ee Madaxweynuhu raga kale ku siiyay Wajahadii (Parking) Guriga Ganacsade Cumar Caydiid.

Madaamo cadaaladda iyo sinaanshuhu saldhig u yihiin nidaamka dawladnimo, wadajirka iyo wada-noolaanshaha bulshada Somaliland, waxa waajib ah oo Madaxweyne adiga iyo xukuumadaadaba saaran in aad ilaalisaan xuquuqda muwaadinka iyo hantigiisaba oo dastuurka JSL si quman oo qeexan u damaanadqaadayo. Nasiibdarro Haddii taasi dhiciweyday Madaxweyne waxa imandoonta Cadaaladdaro loo simanyahay.

Mudane Madaxweyne ma nihin wax ma garato ka indho-saaban xaqa iyo xuquuqaha muwaadiniinta sugaya sinnaanshahooda. Guriga Ganacsade Cumar Caydiid wuxu la midyahay hantida dadweynaha ee dawladu ka iibisay muwaadiniinta kale tusaale Xeraddii Tarafikada (DAHAB SHIIL), Sariibada Aktoobar (INA XARBI), X-Wasaaraddii Duulista iyo Hawada (INDHO-BIRTA), Hindiya-laynka ( oo muwaadiniin taag-daran guryahoodii looga barakiciyay bilicda dhismayaasha Ganacsatada). Ku darsoo waxa la yidhi Mayd maxaa u dambeeyay, waxaanu ognahay in suuq hoose dawladu kaga iibisay Ganacsade Xarbi laybereerigii Gaandhi (Gandi Library) iyo dhulkii ka dambeeyayba. Dhanka kale, Madaxweyne anagoo dhawrayna kala dambaynta iyo degenaanshaha, waxaanu ogsoonahay oo biyo kama dhibcaana inay jiraan,

·         Wasiiro xukuumadaada ah oo ku hawlan xasaradaynta Wajahada Guriga Cumar Caydiid, daaha dabadiisana ka hagaya niman dilaaliin ah oo dantooda eeganaya.

·         Waxa kale oo aanu ogsoonahay dhaqdhaqaaqa siyaasadaysan iyo dibindaabyada loo maleegayo bulshada walaalaha ah. Xaasha ! Maanta dhicimayso oo indho qudhaanjo ayaanu u leenahay.

Markay sidaas tahay, Mudane Madaxweyne marnaba ogolaanmayno iyaguna ku ledi-mayaan in Wajahada Guriga Ganacsadahan cidkale aad ku maamuusto. Arinka kani waa mid qudh-gooyo nagu ah, waxaana naga go’an inaanu cod iyo cududba ku difaacno. Sidaa darteed,

1.    Mudane Madaxweyne waxaanu kugula talinaynaa oonu kusoo jeedinaynaa inaad sida ugu dhakhasaha badan uga noqoto waraaqda hibaynta ah eed ku siisay Muwaadiniinta kale Wajahada Guriga Ganacsade Cumar Caydiid.

 

Dhanka kale, Waxba inooma kala qarsoonee, Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexaan oo maleegaya iska horkeenka ummada walaalaha ah, waxaanu leenahay ha noqonina ninkii Caato-korodhsade ee hawdka sare ee Burco ka lugeeyay. Ninkii guri quraaqad ah ku jirowna ka dhawrso inaad dhagax ku shiitanto.

Ugu dambayn, muddo dhan laba cisho (48 saacadood), Mudane Madaxweyne waxaanu kuu sheegaynaa haddii adiga iyo xukuumaddaadu dib uga noqon-weydaan go’aanka xaaraanta ah eed wajahada Guriga Ganacsade Cumar Caydiid ku siiseen muwadiniinta kale, in masuuliyadda wixii arinkaas ka yimaada aad tuurta u ridandoontaan. Waxa kale oonu halkan ku cadaynaynaa inaanu abaabulkeeda gelidoono fal-celin balaadhan oo dhalinyarta iyo qaybaha kala duwan ee degmooyinka Caasimadu ku muujindoonaan Hiilka ay la garab taaganyihiin Ganacsade Cumar Caydiid.

Allaa Mahad Leh

Wa-billaahi Towfiiq

Golaha Aqoonyahanka Qalinka Daa’uud.