Marka Qashinku Gaadho Heer Dalku Iska Guri Kari Waayo Ee Uu Raadiyo Dal Kale Oo Uu U Daabulo Si Loo Gubo

0
617

1111111111111Beyruut (Geeska)- Guddoomiyaha haayadda horumarinta iyo dib-u-dhiska ee dalka Lubnaan Nabiil Al-Jasar ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo Lubnaan ay doonayso in ay gurto qashinka buux dhaafiyey Beyruut meel loo gurana la waayey ay dalka Ruushka ka heshay ogolaanshiyo ah in xashiishkaas loo raro dhulkiisa laguna gubo.

Masuulkan ayaa sheegay in qashinkan oo lagu tilmaamay masiibo qaran oo Lubnaan haysatay sannad iyo badhkii u dambeeyey la rari doono marka heshiiska labada dal ay dhaqso kala saxeexdaan. Laakiin warar ka soo baxay dalka Ruushka ayaa sheegaya in aanay jirin shirkad dalkaasi fasax u siisay in ay qashin ka soo rarto Lubnaan, waxa aanay sheegeen in shirkaddani ay ka diiwaangashan tahay Jamhuuriyadda Latvia ee aanay ka diiwaangashanayn dalkooda.

Ruushku waxa uu sheegay in qashinka Lubnaan aanay dalkooda u qaadi karin maadaama oo uu aad u badan yahay isuguna dheg-dhegay sidaa awgeed dib uga faa’idaysigiisu adag yahay, isla markaana masaafadda u dhaxaysa Lubnaan iyo Ruushkhu aad u kala fogtahay oo kharash badan rarku u baahanayo.

Dalka Lubnaan ayaa la ciirciiraya qashin uu awoodi waayey dib uga faa’idaysigiisa, isla markaana ka batay xadkii ay dowladdu u heli lahayd meel ay ku gubto ama si kale oo ay u maamusho. Arrintan oo noqotay qadiyad siyaasi ah ayaa dooddeedu sannad iyo badhkii u dambeeyey ka taagnayd dalkaas, waxa aanay dhaawac weyn gaadhsiisay sumcadda masuuliyiinta xukuumadda dalkaas.