Wasakhowga Hawada Iyo Qiiqa Baabuurtu Waxa Uu Ka Mid Yahay Sababaha Qofka Ku Keeni Kara Ma Dhalayska

0
692

1111111111111Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in dumarka deggen guryaha ka agdhow jidadka baaburuta badan iyo goobaha hawadooda wasakhda qiiqa shidaalku ku badan yahay ay khatar u yihiin in ay ku dhacdo mushkilad dhalmo la’aan ahi.

Cilmibaadhistan oo si xeeldheer loo waday muddo toban sano ah, laguna tilmaamay in ay tahay tii nooceeda ugu horreysay ee lagu daraaseeyo xidhiidhka ka dhaxayn kara ma dhalaysnimada iyo walxaha ili-ma-qabatayga ah eek u dhex jira hawada wasakhaysan, waxa aanay natiijadu noqotay in dumarka ku nool guryaha ka agdhow qiiqa shidaalku ay khatar u yihiin in ay ma dhalays noqoto, gaar ahaan marka la barbar dhigo dumarka la midka ah ee ka fog meelaha qiiqa gaadiidka iyo warshaduhu ku yar yahay.

Tobankii sano ee u dhexeeyey 1993kii illaa 2003dii ayaa ay xeeldheerayaashu baadhis iyo dabagal cilmiya ku sameeyeen dumar tiradoodu ka badan tahay Soddon iyo Lix kun, waxa aanay si gaar ah u baadheen maaddooyinka ku jira qiiqa shidaalka gaadiidka ka dhasha iyo saamaynta ay ku yeelan karaan awoodda dhalmo ee gabadha ay neefsiga u raacaan. Dumarkan baadhista lagu sameeyey ayaa ay khubaradu sheegeen in Laba kun iyo Shan boqol oo ka mid ah lagu arkay xaalado ma dhalaysnimo, waxaana la ogaaday in boqolkiiba 10 dumarkaasi ay ahaayeen kuwa guryaha ay deggen yihiin ku dhowaayeen jidadka waaweyn iyo goobaha qiiqa shidaalku ku badan yahay.