Haweenay Dawarsan Jirtay Oo Ka Dhimatay 75 Kun Oo Doolar Iyo Hanti Kale Dahab Iyo Dhul Ba Leh

0
879

1111111111111Tuunis (Geeska)- Gabadh muddo dheer dawarsanaysay oo si kedis ah u dhimatay ayaa dadkii deriska la’ ahaa buulka ay gashaa ay ka heleen tobannaan kun oo doolarka Maraykanka ah, dahab iyo waraaqo mulkiyadeed oo dhul ay lahayd.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeysa A-Shuruuq ee ka soo baxa dalka Tuunisiya ayaa lagu sheegay in gabadhan oo da’ ahayd xaafadda iyo degmada ay ku nooshayna caan ka ahayd maadaama oo ay ka dhex dawarsanaysay muddo rubux qarni ah ay dadka xaafaddu arki waayeen muddo laba maalmood ah, taas oo sababta in la is weydiiyo halka ay qabatay, aakhirkiina ay gurigeeda galeen si ay u ogaadaan in ay ku dhex jirto iyo in kale, markii albaabkii guriga ay galeenba waxa ay dareemeen ur aan fiicnayn, taas oo ku sii dhiirrigelisay in ay hubiyaan, laakiin waxa ay u tageen maydka islaantan dawarsan jirtay oo dhulka yaalla. Waxaana dusha kaga daadsanaa lacag loo maleeyey in ay tahay tii ay soo dawarsatay oo naftu ku simi weyday in ay meel dhigto.

Gabadhani wax ubad ah ma’ay dhalin odaygeediiina muddo dheer ka hor ayaa uu dhintay, sidaa awgeed kelideed ayaa guriga geli jirtay. Dadka deriska ayaa wargeyska u sheegay in guriga laga helay lacag u dhiganta 75 Kun oo doolarka Maraykanka ah oo badhkeed ay ku dhex qarisay quraaradaha sharaabka laga cabbo, weelka kijada guriga u yaalla iyo meelo la mid ah, sidoo kale waxaa laga helay waraaq mulkiyadda loo yaqaanno oo caddaynaysai n ay dhul lahayd. Waxase yaab lahayd markii la ogaaday in miskiinaddan geeriyootay ay sidoo kale lahayd Sanduuq boos oo farriimuhu ugu soo dhacaan iyo in ay haysatay lacag inta aynu xusnay dheeraad ka ah oo iyadu ahayd lacag muddo ka hor la beddelay oo xilligan aan la isticmaalin, bangiguna ogolaanayn in uu beddelo.

Dad qaraabo la’ ah dawarsatadan maalqabeenka ah ayaa iyaguna sheegay in muddo ay xidhiidhkooda jartay, dooratayna in ay gurigan yar kelideed ku noolaato ciddii u timaaddana iska fogeyso, wax xidhiidh ahna aanay ehelka la yeelan. Dad qaraabada ah ayaa sheegay in hantida ay miskiinaddani ka tagtay ay dadkii dhaxalka xaqa u lahaa ay qayb ahaan ku dayactireen dugsi ku yaalla degmada, intii soo hadhayna ay dhaxladeen.