Xukuumadda oo qorshaynaysa inay bedesho Baashe Maxamed iyo Cali Yuusuf Iyo Cirro oo isna ka dagaalamay

0
552

download (15)Hargeysa(Geeska)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland qorshaysay in golaha wakiiladu xil ka qaadis ku sameeyo labada guddoomiye xigeen ee golahaas Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, oo ah laba xildhibaan oo ka soo jeeda KULMIYE balse ay madaxtooyada isku seegeen qaabkii loo maamulay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo aanay ka qayb gelin.

 

Wararkan ayaa waxay sheegay in kulamo maalmihii u dambeeyay ka qabsoomay Hargeysa la isla gartay in la qaado olole xoogan, waxaana la sheegay in la isla gartay in qorshahan la hirgeliyo marka uu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro kursiga baneeyo taas oo la filayo inay dhawaan timaado.  Kursiga Guddoomiye Cirro waxa la sheegay inay xukuumddu qorshaysay  inuu ku fadhiisto xildhibaan ka soo jeeda gobalka Sool iyadoo la qorsheeyay inuu meesha ka baxo guddoomiye Baashe, kursiga guddoomiye-xigeenka 1aad waxa la sheegay in loogu tallo galay xildhibaan ka soo jeeda gobalka Awdal, halka kursiga xildhibaan Cali Yuusuf ee guddoomiye-xigeenka labaad isna la sheegay in loo qorsheeyay in lagu bedelo xildhibaan reer Hargeysa ah.

 

Qorshahan ayaa la aaminsanyahay inuu ka dhashay qaadacadii ay labada guddoomiye-xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed kaga gaws adaygeen inay ka qayb galaan  shirkii golaha dhexe ee KULMIYE iyagoo garab siiyay isbahaysiga aan shirka ka qaybgelin iyo sidoo kale cabsi ay xukuumadu ka qabto inay golaha wakiilada kaga istaadhanto mucaaradad xoog badan oo uu shirguddoonku wado.

Hase yeeshee qorshahan ayay adagtahay sida uu u suurtogalaa, waxaana mid kale oo la mid ah ka dhinac wada guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo marka ay timaado inuu kurisga baneeyo dagaal adag u geli doona sidii uu kursiga uu baneeyay ugu fadhiisan lahaa ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, iyadoo uu isna dhinaciisa diyaarsaday xildhibaanka noqon doona guddoomiye-xigeenka 1aad, halka uu guddoomiye Cirro damacsanyahay inaan loo dhawaan kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cali Yuusuf ee guddoomiye-xigeenka labaad.

Kal-Fadhiga golaha wakiilada oo toddobaadkan furmay ayaa ku furmay jawi ka duwan jawiyadii hore, waxaana fadhigan laga dareemayaa saasaan mucaaradeed oo xukuumadda ka dhan ah, waxaana toddobaadyada soo socda la arki doonaa natiijada ka soo baxda fadhiyadan hadda bilaabmay.