Waadiga Faylasuufka: Hal-Ku-Dhegyo Iyo Xikmado La Xidhiidha Qaybaha Kala Duwan Ee Nolosha (Q:2aad)

0
1293

Hargeysa (Geeska)- Qormo uu Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hal-ku-dhegyo iyo xikmado kala duwan oo laga dhaxlay Faylasuufyadii dunida soo maray waqtiyada kala duwan:

– Noloshu haddii ay riyo weydo, waxa ay noqotaa sida shimbir baalku ka go’ay. (Langston Hughes)

– Noloshu waa Is-bedello dabiici ah oo iyagu is wada, weligaa adigu ha ka hor iman; waayo is-hortaggaasi murugo ayuun buu dhalaa. Runta u ogoloow in ay run ahaato. (Lao Tzu)

– Ogoloow in wax kastaa kugu dhacaan, samaan iyo xumaanba, laakiin yaanay kaa waabin in aad hore u sii socoto, adiga oo aan dareemayn in aad dhammaadkii joogto. (Rainer Maria Rilke).

– Sida keliya ee isbeddelkaa dhacaa uu macno kuugu samayn karaa waa in aad la-jaanqaaddo, dhinaca geeddigu u socdana u raacdo, dadka ku faraxsanna la damaashaaddo. (Alan W. Watts)

– Noloshu kuma qasbana in ay in ay ina siiso waxa aynu filayno. (Margaret Mitchell).

– Mar kasta oo gu’ ii sii kordhaba, xog la’aan ayaan dareemaa. Inta da’da yar ayuun baa wax kasta sharraxaad u heli karta. (Isabel Allende)

– Ruuxa aan ka ka jawaabin su’aalaha nolosha oo dhan, ayuun baa imtixaankeeda ku aflaxa (Baasa) Franz Kafka.

– Yaabku waa jawaabta ugu fiican ee xaqiiqadu ay leedahay. (Terence McKenna)

– Noloshu ma’aha dhibaato in la xalliyo u baahan, balse waa xaqiiqo in lagu waayo qaato u baahan. (Soren Kierkegaard)

– Sidii bilowgiiba aanan uga warwarayn in aan dhasho, ayaanan imikana uga warwarayn in aan dhimashada. (Federico Garcia Lorca).