Dawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Tahay Hay’ada Keliya Ee Awood U Leh Inay Metesho Shacabka Somaliland

0
483

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa mar labaad ku celisay inay tahay hay’adda sharciyan awood u leh inay metesho shacabka Somaliland, waxaanay meesha ka saartay inay jirto cid kale oo meteli karta shacabka Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay xalay soo saartay waxay si da’dban uga jawaabtay madaxdhaqameed sheegay inay ka qayb galayaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga, kuwaas oo uu Turkiga laftiisu meesha ka saarya jiritaankooda. “Jamhuuriyadda Somaliland waa maamulka keliya ee masuulka ka ah amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta Somaliland iyo weliba cidda keliya ee sharciyan awood u leh inay wada xaajodo gasho iyadoo metelaysa shacabka Somaliland.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanu intaas raaciyay  “Warar kasta oo ku tidhi ku teen ah oo sheegaya wax kale waa kuwo aanay waxba ka jirin oo aan sal lahayn.” Waxay wasaaradda khaarajiga Somaliland sheegtay in shacabka Somaliland oo xorriyaddooda soo ceshaday sannadkii 1991 ay si cad aayahooda uga tashadeen. “Somaliland waa dal madaxbanaan oo aan marnaba aqbali doonin  in lagu xidho  farogelin ama tallo shisheeye. Waxaanu leenahay dawlad Dimuqraadi ah, iyadoo ay jirto in awoodda si nabad ah doorasho uu xisbiba xisbi kale ugu wareejiyo.” Waxa kale oo wasaaradu warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in shacabka Somaliland ay si isdaba joog ah uga qayb galeen doorashooyinkii kala duwanaa iyo weliba codayntii aqlabiayda ahayd ee distoorka Somaliland.