Xildhibaan Waddani Ah Oo Ka Hadlay Loolanka Uu Shaaciyay Prof Cabdisalaan

0
516

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay loolanka cusub ee Musharaxnimada Xisbiga Waddani iyo sida uu arko Musharaxadamada Madaxweynaha ee uu ku dhawaaqay Cabdisalaan Yaasiin, waxaanu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu isa soo sharaxo.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada ugu baaqay inay qaynuunkooda iyo dastuurka ay dhigteen raacaan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan"Xisbiga Waddani waa lagu dhex tartami karayaa, waa Xisbi Dimuqraadiya, Cabdisalaan Yaasiina waa Mujaahid la yaqaano, waxa se jirta Shuruudo uu inta badan Ninka Musharaxa ahi uu raaco, haddii ay Cabdiraxmaan Cirro tahay, haddii ay Cabdisalaan tahay iyo haddii ay cid kale tahayba, shuradahaasna marka la oofiyo ayey musharaxnimadu ansaxaysaa, shuruudahaasna Xisbiga ayaa haya oo laga doonanaya,shuruudaa iyo qaynuunka Xisbiga ayaa la raacaya, Xisbiga Waddanina  noqon maayo sidii Xisbiga Kulmiy"

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf Xisbiyada ayaa yidhi "Xisbi waliba qaynuun buu leeyahay, qaynuunkuna waa sida dastuurka dalka u yaala, Xisbi walibana inuu ixtiraamo qaynuunka uu dhigta weeye, haddii ay tahay UCID, Waddani iyo Kulmiye, balse Kulmiye muu raacin qaynuunkiisi iyo dastuurkiisi, waxaana waajib ah in Xisbigu isaga oo miir qaba oo aan waalan inuu raaco qaynuunka uu dhigtay"

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf mar uu ka hadlaayey  wareejinta Haamaha iyo Wakiilada waxa la gudboon ayaa yidhi "Wax alaale wixii uu Goluhu ansixyey waa ansax, wuxuu uu diidayna waa sharci daro, markaas wax walba waa laga daba tagi doonaa".