Kalfadhigii Golaha Wakiilada Oo Shalay Si Rasmi Ah U Furmay

0
673

Picture2Hargeysa (Geeska)-Kalfadhigii caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada ayaa si rasmiya u furmay, iyada oo muddo Goluhu fasax ku jiray, Kalfadhigan oo ah kii 29-aad ee Wakiillada  oo Shalay ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada ayaa waxa kalfadhigaas shir gudoominaayey isla markaana si rasmiya u furay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), Labadiisa Guddoomiye ku xigeena wey dhinaca fadhiyeen, waxaana Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee goob jooga ka ahaa kalfadhigaas loo qaybiyey Ajandaha  Golaha Wakiilada ee kalfadhiga 29-aad.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay inay  soo akhristaan nuxurka ajandaha kalfadhiga, iyada oo ay jiraan xeerar ku jira anjandahan oo aan Golaha Wakiiladu aanay u ansixin, uguna doodin, oo ku jiray Kalfadhigii 28-aad.