Saddex Ka Mid Ah Sababaha Wanaagsan Ee Keenay In Gabadhu Ay Ninka Ka Hadal Badnaato (1)

0
557

Hargeysa (Geeska)- Taariikhda ummadaha kala duwan ee dunida jooga ama soo maray waxaa ku dhereran sheeko xariireed, hal-ku-dhegyo iyo hadallo-dhaqameed si toos ah ama dadban u duraya dabeecaddaha dumarka iyo hab-dhaqankooda bulsho. Waxyaabaha si loogu duro waxaa ka mid ah hadal badnaan, iyo in dumarku aanay hadalka jarin. Taas oo inta badan dadka baadhista ku sameeyey ay ka eegeen uun in ay qiyaasaan tirada iyo xaddiga hadal ee ay is dheer yihiin ragga iyo dumarku. Laakiin nasiib darro maskaxda kuma soo dhacdo in la is weydiiyo bal in ay jirto sabab cilmiya oo loo tirin karo hadal badnaantaas. Qormadan uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay isku dayeysaa in ay ka jawaabto su’aashaas ah, “Waa maxay sababta gabadhu ay uga hadal badan tahay ninka?”

– Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in sababta ay gabadhu uga hadal badan tahay ninka ugana sheeko jeceshay ay tahay in Barootiin lagu magacaabo Foxp2 oo ay khubarada saynisku sheegeen in illaa marka ay gabadhu yar tahay iyo da’ kasta oo ay tahayba uu aad ugu badan yahay jidhkeeda.

Cilmibaadhiso iyo tijaabooyin kala duwan oo ay tijaabo ku sameeyeen 10 carruur ah oo da’doodu u dhexeyso 3 illaa 5 sano, waxa ay khubaradu ku ogaadeen in carruurtan intii hablaha ahayd uu jidhkoodu boqolkiiba 30 wiilasha kaga badan yahay barootiinka Foxp2. Cilmibaadhayaashan oo ka tirsan jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in gabadhu ay maalin kasta ku hadasho qiyaas ah 20 kun oo erey, halka isu geynta hadalka ninku uu maalintii celcelis ahaan yahay 7 kun oo keliya. La soco sababaha kale…