Buur La Sheegay In Ay AIDS Ka Daweynayso, Sababta Iyo Doodaha Xiisaha Leh Ee Ka Dhashay

0
801

Picture7Tehran (Geeska)- Siddeed iyo Afartankii saac ee u sambeeyey waxaa si aad u weyn dalka Iiraan iyo meelo badan oo dunida ah ugu faafayey warka sheegaya in buur ku taalla xeebta bari ee Gacanka Carabta qaybtiisa Iiraan ay daweyso cudurka dilaaga ah ee AIDS ka.

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa si aad ah u baahinaysay warbixinno iyo sheekooyin la xidhiidha buurta Bardiis oo ay sheegeen in ay leedahay arrimo la yaab leh oo dabiici ah iyo mucjisooyin xitaa gaadhsiisan in uu ku bogsan karo qofka cudurrada aan dawada lahayn qaba haddii booqdaan. Warku waxa uu sheegayaa in buurtani ay leedahay awood Rabbaani ah oo ay ku daweynayso qofka qaba cudur-sida HIV iyo AIDS ka.

Shabakadda Al-Carabiya oo Geeska Afrika ka soo xigtay warkan ayaa sheegtay in war laba maalmood ka hor ka soo baxay golaha war-fidiyeenka dalka Iiraan lagu sheegay in dhakhtar u dhashay dalka Ingiriiska oo magaciisu yahay Tim Hopkins uu sheegay marka la eego juqraafiga buurtani ay tahay halka dunida oo dhan masaafo ahaan ugu dhow qorraxda, sidaa awgeed ay leedahay magnad (Bir-Lab) iyada u gaar ah oo aanu dhulka kale la wadaagin, kaasina uu si weyn u caawiyo in laga bogsado cudurka AIDS ka.

Warbixintan ka soo baxday Golaha warfidiyeenka Iiraan waxaa lagu sheegay in dhakhaatiir kale oo Ingiriis ahi ay dhowaan Wargeyska TIMES ee ka soo baxa Ingiriiska ku faafiyeen natiijada cilmibaadhis lagu baadhay arrimaha caafimaad ee u gaarka ah buurtan, isla markaana ay Qaramada Midoobey ugu baaqeen in buurtan oo lagu magacaabo Bardiis hadda kadib loo bixiyo magac cusub oo ah, “Anti-HIV Mountain” macnihiisuna yahay buurta liddiga ku ah HIV.

Arrinta buurtan ayaa muran iyo doodo xiiso badan ka dhalisay dalka Iiraan iyo meelo badan oo kalaba, waxaana soo baxay saynisyahanno badan oo si adag u beeninaya in buurtan oo keliya la tagaa ay cudurkan iyo kuwo kale midna daweyn karto, sidoo kale waxaa soo ifbaxaya doodo sheegaya in dalka Iiraan uu warbixinta dhakhaatiirtaas si badheedh ah macnaheedii uga duway si uu buurtan uga dhigo goob dalxiis oo caalamiya oo dunida looga yimaaddo dhaqaale badan iyo magac fiicanna u yeelata dalka Iiraan.

Dadka arrintaas ku doodaya ayaa sheegaya in dhakhaatiirta Ingiriisku ay warbixintooda iyagu ku sheegeen in buurtani halka ay juqraafi ahaan ku taallo, iyo masaafadda ay u jirto qorraxda darteed ku fiican tahay in laga dhigo goob lagu daweeyo dadka qaba AIDS ka, oo inta ay dawada AIDS ka ee caadiga ahi u socdaan ay joogaan xarun looga dhiso buurta agagaarkeeda, si ay u joogaan muddada 18 ka bilood ah ee caadi ahaan la aaminsan yahay in cudurkan jidhka aadamaha lagaga saari karo, haddii Caafimaad qofka u laaban tahay, laakiin aanay macno samaynayn in la tago uun kadibna laga soo noqdo. Si kastaba ha ahaato ee dad badan ayaa warkan qaatay oo rumaystay in buurtan lagu bogsanayo, waxaana la filayaa in beryaha soo socda ay noqoto goob dalxiis iyo caafimaadba loo yimaaddo oo aad u camiran.