Cirro Oo Ka Hadlay Wakthiga Uu Shirguddoonka Banaynayo Iyo Damaca Murashnimo Ee Prof. Cabdisalaan Yaasiin

0
553

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu soo dhowyahay wakhtigii uu iska casili lahaa hoggaaminta golaha wakiilada.

Md. Cirro oo waraysi siiyay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan telefishanka Star TV, wuxuu kaloo ka hadlay murashaxnimo uu ku dhawaaqay Prof Cabdisalaan Yaasiin oo uu ku sheegay inuu u tartami doono jagada madaxweyne ee xisbiga Waddani “Waxay ila tahay waa su’aal guud oo dadkoo dhami sugayo, laakiin waxay ila tahay wakhgtigeedii waa soo dhowyahay; inaan banaynayo golaha wakiilada waa hubaal, wakhtigeediina  waa soo dhowyahay oo wakhtiga ku munaasibka ah ayaan ku dhawaaqi doonaa.” ayuu yidhi guddoomiye Cirro oo ka jawaabayay wakhtiga uu banaynayo xilka golaha wakiilada.

Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyay sida uu u arko damaca murashaxnimo ee uu ku dhawaaqay Prof Cabdisalaan Yaasiin oo xisbiga Waddani ka tirsan, waxaanu yidhi “Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah, dhammaan wax kasta oo xeerka xisbiga iyo xeerarka JSL muwaadin kasta oo xisbiga ka mid ah xaq u siiyeen xaq buu u leeyahay, annaga siyaasadayadu waxa weeye inay doorashadu timaado wakhtiga shirka xisbiga la qabanayo, markaas ana ma jeceli inaan suuqa iska sii sharaxo, murashaxnimadayduna waxay iman doontaa marka shirka xisbiga la qabto, qof kasta oo xaq u lihina xaq buu u leeyahay inuu is sharaxo.”

Cirro oo la weydiiyay rajada uu ka qabo inay doorashoyinku wakhtigooda ku dhacaan wuxuu sheegay inuu 100% ku kalsoonyahay inay doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan.

Mar wax laga weydiiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ay madaxdhaqameedku sheegeen inay ka qayb galayaan wuxuu guddoomiye Cirro yidhi  “Waxaynu ka war qabnay oo xeerbaa jiray inaan lala hadal Somaliya ama shirarkeeda laga qayb gelin laakiin markaan danta qaranka eegnay waxa dabarka baarlamaanku ka furay in xukuumadu la hadli karto Somaliya, ujeedaduna  waxa weeye inay Somaliland iyo Somaliya kala baxaan oo ay laba qaran oo jaar ah noqdaan, wada hadalka nuxurka aynu ka rabnay kaas ayuu ahaa, waxaana waajibaadka la siiyay oo loo fasaxay xukumadda, xukuumadu goortay ku wareejisay salaadiintu ma aqaan, salaadiintu meeshay ka soo gashay xukuumadaa laga rabaa inay ka jawaabto.”