Madaxweyne Putin Oo Kitaab Qur’aan Ah Oo Taariikhiya Hadyad U Siiyey Hoggaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Iiraan

0
629

Picture7Tehran (Geeska)- Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan Aayaatullaah Cali Khamana’ii hadyad u siiyey kitaab Qur’aan gacanta ku qoran oo ah kii ugu horreeyey ee dalka Ruushka lagu qoro.

Kulan Isniintii toddobaadkan ay magaalada Dahraan ee caasimadda dalka Iiraan ku yeesheen madaxweyne Putin oo booqasho ku joogay Iiraan iyo Khaman’ii ayaa uu madaxweyne Putin uga faa’idaystay in uu hadyaddan guddoonsiiyo hoggaamiyaha awoodda badan ee dalka Iiraan.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in Putin sababta uu u yimid dalka Iiraan ay ahayd in uu kaga qayb galo shir madaxeedka Urur ay ku midoobaan dalalka dhoofiya Gaasta dabiicia ah, laakiin kulankaas kuma uu koobnaan ee madaxweyne Putin waxa uu kulamo kala gaar-gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Rooxaani iyo hoggaamiyaha awoodda badan ee Kacaanka Islaamiga ah Cali Khamana’ii.