Faa’idooyinka Caafimaad Ee Uu Baamiyuhu U Leeyahay Macaanka, Kalastaroolka Iyo Keliyaha

0
563

Paris (Geeska) cilmibaadhis ay samaysay Valery Aspenas oo ah haweenay caan ka ah dalka Faransiiska oo ku takhasustay Nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa iftiimisay in Baambiyaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo aad ugu fiican caafimaadka qofka.

Daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay daahfurtay in Baamiyuhu uu qani ku yahay Faytamiin C, isla markaana uu si weyn u caawiyo isu-dheelli-tirka iyo nidaaminta sonkorta iyo Kalastaroolka jidhka ku jira. Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaama oo asiidhka Folic Acid ku badan yahay Baamiyaha uu yahay khudradaha cunistoodu aad ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin.

Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat waxa ay intaas ku dartay in Bamiyuh uu u fiican yahay caafimaadka keliyaha isla markaana uu maqaarka (Jidhka) kala dagaalamo coodh-coodhka iyo astaamaha gabowga.