Ragga Oo Looga Digay In Ay Ku Talax Tagaan Hadallada Macaan Ee Ay Xaawa Ku Haasaawiyaan Iyo Sababta

0
895

Hargeysa (Geeska)- Guud ahaanba ragga dhaqannada kala duwan ee dunidu waxa ay inta badan ka siman yihiin in gabadha cajabisa ee ay doonayaan in ay kasbadaan ku bilaabaan hadallo hallaasi ah iyo ereyo mid kastaa kii ka horreeyey ka sii macaan yahay, iyaga oo malaha niyadda ku haya fikirka guunka ah ee sheega in dumarku ay sidoodaba u ammaan jecel yihiin.

Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay qirayaan in ereyada soo jiidashada iyo ammaanta ah, dabeecadda iyo hab-dhaqannada qaar ee raggu adeegsadaan marka ay gabadh haasaawahinayaan ay si xoog ah u soo jiitaan qalbiga gabadha, kuna abuuraan shucuur ku soo jeedisa ninkan. Laakiin haddana waxa ay hoosta ka xariiqayaan in ay muhiim tahay in ninku uu si aad ah uga fikiro doorashada ereyada iyo hadallada uu gabadha ku odhanayo, waayo waxa uu xilligaas oo kale khatar u yahay in hadalkii uu isagu ka lahaa ujeedka soo jiidashada qalbiga gabadhu uu ku noqdo dab nabar burburiya rajadii xidhiidh ee dhex mari lahaydba isaga iyo gabadha.

Sida lagu sheegay warbixintan uu Geeska Afrika soo koobay oo lagu baahiyey shabakadda Al-Carab, xeeldheerayaasha cilminafsigu waxa ay xaqiijiyeen in ninka oo hadallo ammaan xad dhaafa ah iyo ku talax-tagga kool-koolinta xaawa ay ku abuuraan gabadha shucuur ah in uu ninkani buun-buunin aan run ahayn wado, ujeeddo xun oo u qarsoonna wanaaggan ku daboolayo, halkaasna ay ka dhacdo in natiijo tabani ay ka soo baxdo ereyadii uu islahaa ku soo jiido qalbiga gabadha. Sidoo kale waxa ay daraasaddan Geeska Afrika turjumay ka digaysaa in ninku uu mar kasta si dhaqso ah uga jawaabo hadal kasta oo ay gabadhu tidhaahdo, waayo taasi waxa ay gabadha maskaxdeeda ku abuuraysaa sawir taban oo ninkan ka dhan ah.