Waadiga Faylasuufka: Hal-Ku-Dhegyo Iyo Xikmado La Xidhiidha Qaybaha Kala Duwan Ee Nolosha (Q:1aad)

0
1313

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hal-ku-dhegyo iyo xikmado kala duwan oo laga dhaxlay Faylasuufyadii dunida soo maray waqtiyada kala duwan, kuwaas oo aynu si gaar ah u soo qaadanayno inta laga yaabo in ay si uun u khusayn karto qaybaha kala duwan ee nolosheenna maanta.

– Haddii aad adigu adiga noqoto, oo aanad isku dhererin ama la tartamin cid kale, waxaa hubaal ah in aad qof kasta tixgelin ka heli doonto.  (Lao Tzu)

– Haddii aad dhamaytirnaan raadiso naftaadu abidkeed raalli noqon mayso. (Leo Tolstoy)

– Qiimaha Jacayl ma garan kartid, haddii aanad nacayb iyo cabsi baran (Saul Williams).

– Qof kastaa waa waxa uu isu ekeysiiyo, sidaa awgeed ka taxaddar waxa aad isu ekeysiinayso (Kurt Vonnegut)

– Pablo Picasso oo ahaa Farshaxan iyo Hal-Abuur caalamiya oo u dhashay Isbayn noolaana intii u dhexeysay 1881kii illaa 1973kii, ayaa la weydiiyey waxa ay ku kala duwan yihiin isaga iyo dadka kala aragtida ahi, “Dadku waxa ay arkaan, “Waxa hadda jira, markaasay is weydiiyaan sababta…” Aniguna waxa aan arkaa, waxa dhici kari lahaa markaasaan is weydiiyaa sababta ay u dhici waayeen”

– Buugga in aad akhrido u qalmaa waa ka aad ku qasbanaato in aad dib-u-akhrido. (Susan Sontag)

– “Haddii aad doonayso in aad u heesto sida shimbiraha codka macaan, dan ha ka gelin dadka ku dhegeysanaya iyo waxa ay malaysan karaan. (Rumi)

– Marka aad cadhaysan tahay aamus. (Sheekh Bukhaari)

– Inta aad nooshahay wax kasta waa suurtogal (Thich Nhat Nanh)

– Waan jecelahay dadka u hanqal taaga dhabaynta waxa aan suurtogalka u muuqan (Johann Wolfgang Von Goethe)

– Mararka qaarkood ayaa aan riyoodaa, aniga oo aaminsan in ay tahay jidka keliya ee ii furan (Waxa keliya ee aan qaban karo) Haruki Murakami.