Imaaraadka Carabta Oo Joojiyay Baabuurta Laga Soo Iibsado Dalkooda

0
609

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisay ganacsigii baabuurta ee ay ganacsatada Somaliland iyo Somaliya kaga soo ganacsan jireen dalkaas baabuurta la isticmaalo, waxaanay UAE ku amartay in xataa dib loo soo celiyo baabuurta la iibsaday ee aan weli dalkooda ka bixin.

Ganacsatada reer Somaliland ee dalkaas degen ee ka ganacsada baabuurta, ayaa sheegay in go’aankan shalay lagu wargeliyay, looga soo sheegay  suuqa Caweer ee baabuurta lagu kala iibsado, iyadoo loo soo sheegay in la joojiyay iibka baabuurta islamarkaana ay soo celiyaan baabuurta aan dhoofin ee ay iibsadeen, iyadoo loo celin doono lacagtii hore looga qaaday.

Looma sheegin waxa sababay go’aankan adag, waxase la sheegayaa inuu yahay go’aan amni oo la xidhiidha warar soo baxay oo sheegaya in baabuur la iibsaday loo raray xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, taas oo sababtay in sirdoonka Imaaraadka Carabtu qaataan go’aanka ay ku mamnuuceen iibka baabuurtaas.

Dawladda Somaliland ayaa lacag cashuur ah ka hesha baabuurta la isticmaalo ee laga soo iibsado dalka Imaaraadka Carabta oo ah kuwa ay bulshada kala duwan ee Somaliland isticmaasho, waxaanay talaabadan uu Imaaraadku qaaday dhaawac u gaysanaysaa dhaqaalaha Somaliland oo uu marka horeba waxyeelay dagaalka Yemen ka socdaa.