Cabdiqaadir Jirde Iyo Siciid Cilmi Rooble Oo Soo Dhaweeyay Barnaamijka Xisbiga Waddani

0
597

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Sciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo ka qayb galay Munaasibad lagu soo bandhigayo Buugga ka turjumaya barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Waddani uu dalka ku hogaamin doono haddii uu taladda dalka ku guulaysto, ayaa labadan Xildhibaanba waxa ay Xisbiga Waddani uga mahadnaqeen buugan oo ay sheegeen inuu yahay mid aad u qiimo badan, oo Siyaasada Xisbiga ka turjumaya, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isbadal, oo aanu noqon Buug mid la mid ah Buuggii Kulmiye.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa hadalkiisi ku bilaabay sidan "Aad baan ugu faraxsan ahay in barnaamijkii Xisbiga Wadani in halkan lagu soo bandhigayo,  waagii hore, sidaas oo kale Xisbiga Kulmiye barnaamijkiisa  u soo dhigay, hasa yeeshe uu baalmaray, waxaan ILLAAHAY ka baryayaa in aanu Waddani baalmarin barnaamijkiisa, anigu hal qodob ayaan ku kordhinayaa, waxa Shacabka Somaliland nacsiiyey Xisbinimadii Xisbiga Kulmiye ayaa nacsiiyey, Raggii inta badan ku soo jiray, Raggii aasaasay, Raggii arin iyo aduun ku dhameeyey mid walba xabaal ayaa lagaga tagay"

 Dhanka kale waxa uu Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble ku taliyey in Xisbinimada la soo nooleeyo, oo xittaa haddii uu Waddani guulaysto in Xisbigu muhiimada kowaad yeesho.

Xldhibaan Cabdiqaadir Jirde oo isna ka hadlay munaasibadaas ayaa soo dhaweeyey Buuggan Xisbiga Waddani ku soo bandhigay Siyaasadiisa, waxaanu si xeel dheer uga waramay xaalada uu dalku maayo, oo uu walaac ka muujiyey, waxaanu sheegay in loo baahan yahay isbadal dhab ah in la helo, si dalka iyo dadkuba isbadal ugu yimaado, waxaanu sidoo kale, tallooyin u soo jeediyey Bulshada reer Somaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxa kale oo uu ka hadlay wakhtigii UDUB iyo Guddi uu markaas ku jiray oo qoraayey barnaamij Siyaasadeedkii Xisbiga UDUB, waxaanu xusay in hadda Barnaamij Siyaasadeedkan Waddani uu yahay mid aad u wanaagsan, kana muuqdaan waxyaabaha aasaasiga ah Bulshada.