Jacaylku Waxa Uu Xoojiyaa Caafimaadka Nafsiga Ah, La’aantiina Dumarku Waxa Ay Ku Mashquulaan Wax Iibsiga

0
583

Picture10Hargeysa (Geeska)- Sida ay marar kala duwan caddeeyeen xeeldheerayaasha cilmiga bulshada iyo nafsigu jacaylku waxa uu qofka ku abuuraa ruux isku-filnaanshiyo shakhsi ah iyo in uu naftiisa ku kalsoonaado, sababtuna waa jacaylka oo caawiya isu dheelli-tirnaanta shakhiyadda qofka, taas oo macnaheedu yahay in qofka aan lahayn xaas uu jecaylka la wadaagaa ay suurtogal tahay in ay ku yimaaddaan qaar ka mid ah xaaladaha nafsiga ah ee khalkhaliya isu dheelli-tirnaantaas shakhsiga ah, laakiin haddana tan macnaheedu ma’aha in qasab ay tahay in qof kastaa uu xaaladdan oo kale maro.

Maadaama oo jacaylku uu qofka geliyo xasiloonni nafsi ah, niyad wanaag, rajo iyo kalsooni nafsi ah, sida ay caddeeyeen khubarada cilminafsigu, waxaa suurtogal ah in qofka oo aan dareenka kalgacal ku badnayn ay keento tilmaamaha iyo xaaladaha ku liddiga ah kuwa aynu kor ku soo sheegnay, waayo jidhku waxa uu waayayaa tamartii uu ka heli lahaa niyad wanaagga iyo xiisaha jacaylka, waxa aanay maskaxdu ku noolaanaysaa dareen ah wehel la’aan iyo in ay cidla taagan tahay.

Dhinaca kalana waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in gabadhu haddii ay weyday dareen jacayl ama aanay lahayn mataan ay jeceshay inay taasi ku abuurto xaalad nafsi ah oo keenta in kaalintaa jacayl ee ku bannaan ay ku daboosho ku talax tagga iibsiga dharka, kabaha iyo murriyadaha la isku qurxiyo ee qaaliga ah, iyada oo aan dan ka gelayn awooddeeda dhaqaale. Waxaa ku beeran dareen aanay qudheedu xakamayn karin oo maskaxdeedu ay ku farayso in kaalinta jacayl ee bannaan ay ku buuxiso wax kale oo ay jeceshay.