In La Seexdo Qol Diirran Iyo In Qolka Hurdadu Uu Qabow Ahaado Markee Ay U Fiican Tahay Caafimaadka?

0
584

Picture8Hargeysa (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad ayaa baadhitaanno caafimaad oo ay sameeyeen ku ogaaday in caafimaadka ay u fiican tahay in heer-kulka qolka hurdadu uu u dhexeeyo 15 illaa 17 digrii. Dhakhtarradan oo uu ka mid yahay Dr. Christopher Venter oo ku takhasusay cudurrada neerfaha iyo caafimaadka hurdada kana tirsan cisbitaalka Charlottesville ee gobolka Virginia dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta heer kulka qolka hurdada.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna muujiyey in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo heer-kulka qolka hurdada, iyaga oo sheegaya in taasi ay jidhka ka caawinayso in uu soo daayo hormoonka hurdada keena ee Melatonin, isla markaana uu hormoonkani sidoo kale la dagaalamo qaar ka mid ah cudurrada khatarta ah.

Si gaar ah waxa ay daraasadahani u sheegeen in heer-kulka qolka hurdada oo ka sarreeya 23 Digrii (°C) ama ka hooseeya 12 Digrii (°C) ay saamayn taban ku leedahay hurdada.

Caadi ahaan heer-kulka jidhkeennu kor ayaa uu u kacaa maalintii illaa duhurka uu duhur ka dib gaadho halka ugu sarraysa, laakiin marka aynu hurdo tagno waxa uu heer-kulkaasi bilaabaa in uu hoos u soo dhaco, taas oo jidhka qaboojinaysa kana caawinaysa in uu awoodo hurdo, waana sababta keenaysa in qofku marka uu seexanayo haddii uu daaqadda qolka furto ay hurdadu dhaqso ugu imanayso. Laakiin haddii heer-kulka qolku uu aad u sarreeyo waxa uu jidhku ku qasbanaanayaa in uu isna dib ugu noqdo heer-kulkiisa, taas oo keenaysa in qofka ay hurdadu ka xumaato am aka tagto. Waxa aanay dhakhtarradu aaminsan yihiin in marka keliya ee hurdadu ay qofka nasasho u keenaysaa ay tahay marka uu hurdo dheer seexdo.