Cadhada Degdegga Ahi Waxa Ay Ragga Ku Keeni Kartaa Dhimasho Kedis Ah

0
623

Picture7Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Iowa ee dalka Maraykanka ayaa daahfuray in ragga cadhadoodu dhaqsaha badan tahay ay inta badan halis u yihiin dhimasho kedis ah, oo ay aad ugaga badan yihiin ragga da’dooda ah ee ay isku mid yihiin nolosha iyo xaaladda caafimaadba.

Cadhada degdegga ah oo rag badani iska deyn kari waayaan ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in sababteedu ay tahay xaalado nafsi ah oo ka dhasha qofkan oo la nool cadaadis iyo diiqad nololeed ama qarsanaya arrimo uu u arko in ay xad-gudub iyo qalad ku yihiin ama cadho uu hore u qaaday aan ka ciil bixin balse ku qasbanaaday in uu dul qaato oo uu qarsado, sidaa awgeed qofka oo buuxa ayaa laga yaabaa in uu mar keliya cadho la qarxi gaadho iyada oo weliba ay u badan tahay in sababtan dambe ay tahay mid aan mudnayn heerka cadhadiisa.

Xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Iowa oo muddo 40 sano ah ay baadhis iyo dabagal tijaabo ah ku waday arrintan, si gaar ahna ugu kuurgalayey rag tiradoodu ka badan tahay 1’300 oo lagu yaqaanno cadho degdeg ah (Bootin) ayaa waxaa u soo baxday in afar meelood mee raggaas ka mid ah (25%) ay khatar u yihiin dhimasho soo booddo ah, ama marar badanba ay galeen xaalad ay khatar u yihiin in si kedis ah wadnuhu u istaago cadho degdeg ah awgeeed.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in qofka oo cadhada qarsada ama isku celiya, gaar ahaan marka uu dareemayo dulmi iyo gar-darro ay inta badan sababto in garaaca wadnihiisu uu kordho, dhiiggiisu kaco, khatarna u galo in uu wadne xanuun ku dhaco, arrintanina waxa inta la og yahay gaar u tahay ragga, oo tijaabooyinka la sameeyey ma’ay muujin dumar xaaladdan oo kale ah.

Ugu dambayntii waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in ay ragga cadhadoodu dhaqsaha tahay u fiican tahay in mar kasta ay ku dadaalaan in cadhada aanay qarsan balse haddana ku dadaalaan in ay is xakameeyaan oo si togan ay u cabbiraan iyaga oo niyadda ku haya in ay cadhadaasi khatar ku tahay caafimaadkooda.