“Xukuumad Waxa Aan U Arkaa Inay Tahay Xukuumad Aan Kab Yarna Ka Tagaynin, Wixii Xukuumadii Rayaale Ku Wareejisey”

0
639

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo ka mida h Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa saddexda Axsaabta fariin u diray waxaanu ugu baaqay in wixii khilaaf ah ee jira ay dhexdooda ka dhamaystaan, oo khilaafyadaasi aanay horseed u noqon in lagu kala tago ama ay burburaan Xisbiyadu.

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale dhaliil u soo jeediyey Xukuumadda waxaanu sheegay inay Xukuumaddani, Xukuumaddii Daahir Rayaale ay kala wareegtay hanti badan oo Shacabku leeyahay, balse aanay jiri doonin Xukuumaddani wax hanti ah oo ay wareejin doonto, marka ay talada wareejiso, waxaanu yidhi  "Xisbiyada waxa ku baxay maskaxa iyo maal iyo xoogii dalka, markaas in si dhayal ah ay Xisbiyadu u burburaan ma taageersani, marka hore sida wax loo dhisaa wey adag tahay balse marka dambe sida wax loo burburiyaa wey fududahay, khilaafyada Xisbiyadana in la dhameeyo ayaan ku talinayaa, aad iyo aadna waan uga digaynaa in la burburiyo Xisbiyada oo khilaafyo dartood lagu baabiyo".

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa ayaa mar uu ka hadlay Madax dhaqameedka iyo wararka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi "Mar haddii geesna aynu u dhaqaaqi weynay, Turki baa la sheegayaa cid walba wey ina fara galin, markaas cid kasta oo aan loo igman wada hadalada waa khalad inay ka hadasho, Dawladda oo qudha ayaa loo igmaday oo ka hadli karta.

Bulshadu wey wacyigashan yihiiin wakhtiga ay ku jiraan ayaana wacyigeliyey, waxa aan leeyahay nabadgaliyada ha ilaashadaan, oo waxyaabaha socda yaanay ku luxmin".

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi "Xukuumad waxa aan u arkaa inay tahay Xukuumad aan kab yarna aan ka tagaynin, wixii Xukuumaddii Daahir Rayaale ku wareejisey waa tii la wada arkaayey, hadal weyna waa kii Daahir Rayaale Kaahin yidhi, haddii ay Laydh tahay, haddii ay Biyo tahay, haddii ay Dekada tahay, haddii ay Haamaha tahay iyo wax la mid ah uma malaynayo inay wareejin doonto, wax walba wey xaabinaysa, xaabsato ayaanu u bixinay"