Masuuliyiinta Dawladda Hoose Oo Kulan Xog Waraysi Ah La Yeeshay Dadweynaaha Degmooyinka Hargeysa

0
606

Hargeysa (Geeska)- Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa oo uu hogaaminayo Maayirka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ahdadweynaha ku dhaqan xaafadaha iyo degmooyinka ay ka kooban tahay magaaladda Hargeysa.Kulankan oo ah mid ay masuuliyiinta dawladda Hoose la yeeshaan Todobaadkiiba hal mar, ayaa waxa ay ujeedadiisu tahay in ay masuuliyiinta dawladda hoose iyo dadweynaha  magaaladda Hargeysa ee ay maamulaan iskaga xog waraystaan baahiyaha jira ee u baahan in wax laga qabto iyo in ay iska war hayaan oo ay ka wada hadlaan qaabka wax logu qabanyo bulshada.Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotelko, ayaa dadweynaha uga xogwaramay sanadkan waxqabadkii ay ka fuliyeen degmooyinka iyo sanadka dambe degmooyin walba baahiyaha ka jira oo dadweynuhu usoo gudbiyeen xaafad walba baahiyaha guud ee haysta.Ugu horeyn Maayarka oo ka hadlaya waxqabadkii sanadkan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Aad baan u jeclahay in aynu rayi kala urursano idinka oo ah dadka loo shaqaynayo iyo anaga ooah u shaqeeyeyaashiinii,waxaanu ka wada hadli doonaa wixii aanu soo qabanay iyo waxa aanu soo qaban doonno oo aad noo sheegi doonaantan wixii baahiyihiina ah,sanadkan waxaanu ka bilownay xaafada Axmed dhagax wadadda ka baxda siinaay ee u baxda wadadda Balligubadle hal killo mitir iyo saddex boqol oo mitir ayaanu ka samaynay,waxa ku xigtay xaafadda MaxamedMooge oo aanu samaynay  wadada Saylada ilaa Biriishka,waxa ku xigtay xaafadda Koodbuur ooaanu samaynay laba meelood oo midi afar boqol mitir tahay midna sideed boqol oo ah wadadda dugsiga Ilays tagta iyo ta Sacadadiin tagta,degmada Gacan libaax oo aanu iyada ka samaynay laba kilomitir iyo laba boqol oo ah wadada xabaalaha isku xidha,waxa ku xigtay degmada June oo hada socdo oo ah wadada xawaadle, wadooyinkii horana qaarkood dib u habayn iyo dayactir baanu ku samaynay wallow roobku qaarkood dib u googooyey, waxaanay ahayd mashaariicdii dawladda hoose toos u fulinaysay, waxaanu samaynay biriijyo ay ka mid tahy Jaleelo, Gubato oohadda la bilaabay iyo wadada Axmed dhagax  waxay ka mid ahaayeen mashruuca JLPG ka dhisnay saddexdaasi”.Waxa kale oo uu maayarku ka hadla qalab ay soo iibsadeen oo wadooyinka ku dhisi doonaan, waxaanu yidhi “Waxaanu soo iibsanay qalab laba meelood ah, ta hore waxay ahayd laba sheewal, hal gareedhal,Rug rugley, iyo laba gaadhi oo waaweyn oo afar iyo labatan tan ah, gabi ahaanba lacagtaasi dawlada hoose way iska bixisay, talabaad waxay ahayd qalab badan oo aanu

Itoobiya ka soo iibsanay oo kala ah afar gaadhi oo waaweyn, booyad, karashalkii jayga samaynayey, asfalbalankii oo warshaddii ah, iskaafaytar bardawsal, iyo laba rug ley oo ah kuwo la shaqeeya, waxana lacagtiisa sii bixinay 30%, inta kalena deyn bay  dawlada hoose ku tahay, qalabkaasi oo inaga baahi tiri doona wadooyinka hadana la waddo goobtii ay degi lahaayeen, waxaan isleenahay wixii waddo lagu samayanyey wajigi kowaad waad haysaan, waxaana hadhsan in dadku cashuurta bixiyaan si daamurkii iyo wixii lagu samayn lahaa wadooyinka loo helo, waxaana inoo iman doona dadkii tobabari lahaa shaqaalaha qalabkaasi ku shaqayn doonno, waxa iyadana soo iibinay ishaarooyinkii oo lix ishaarooyin oo lagu xidhay caasimada usoo iibinay, waxaanu suuqa dhexe usoo iibinay caagadihii qashinka lagu ridayey oo meherad walba hor dhignay, waxana soo iibinay shan boqol oo caagadood, waxa jira biyo mareeno aanu u samaynay xaafado biyuhu ku taagnayeen oo ay kamid ahaayeen gacan libaax oo laba meelood laga sameeyey, sadex degmo oo aanu u iibinay saddex baabuur, iyo dabdemiska oo aanu hal gaadhi ku kordhinay, xafiisyada gudaha oo xafiisyo badan ku soo kordhinay intaasi waa waxqabadkii sanadkan, waxaan jeclaan lahaa in sanadka dambe rayigu idinka idinka yimaado si xaafad waliba usoo bandhigto baahiyaheedda oo aanu ku darsanno waxqabadka sanadka dambe, waxaana sanadka dambe nahagaysa siyaasada ah in amniga la kordhiyo oo saldhigyada booliska la kordhiyo  iyo MCH-yada la kordhiyo”.Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha dawlada hoose Ibraahim Raabi oo sheegay inay muhiim saari doonaan rayiga ka soo baxay dadweynaha xaafada oo mid waliba baahidda u gaar ah sheegatay.“waanu diiwaangashanay  waana gorfeyn doona sida u kala mudan yihiin, waanu u kala horeysiin doonaa, miisaaniyada sanadka, baahiyo badan ayaad soo jeediseen inta badan waanu qaban doona baahi walbana waanu buuxin doonnaa”ayuu yidhi Raabi oo ah xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa.Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay maayar ku xigeenka caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne oo sheegay in kulamadda noocan oo kale ah badin doono.Dhinaca waxa iyaguna halkaasi aaraadoodda kadhiibtay dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada, iyagoo xaafad waliba soo bandhigtay baahidda ugu weyn ee ay doonayaan in sanadka soo socda wax looga qabto.Dadweynaha ayaa kulankan fagaaraha aad usoo dhoweeyey, waxaanay golaha deegaanka iyo maayarka caasimaddaba uga mahadnaqeen kulankan iyo baahiyaha usoo gudbiyeen