Wuxuu Marxuum Cawke Ii Sheegay: Abwaan Xasan Laab-saalax

0
631

ABWAAN-LAABSAALAX-300x247Bishii april 2015 inkastoonan Sixi Karin maalintaa Taariikhidu Inyay Ahad, Waxaan Marxuum ?#‎Axmed_Xasan_Cawke Allaha u Naxariistee, ku kulanay Radio Hargeisa Goor Barqo ah. Waxaanan isku Raacnay Hotel Crown oo Aanu Ka Wada Qadaynay, kadibna Waxaan Tagnay Guriga XIDIGAHA GEESKU Hargaysa ay Ka Daganyihiin Halkaasi oo Wakhti aanu ku Wada Qaadanay 
Marxuum Cawke Wuxuu Maalintaa iiga Sheekeeyay. 
Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo saaxiibo Dhaw ay ahaayeen,. Iyo Madaxwaynihii Hore ee Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Bare oo uu La Soo Shaqeeyay.
Marxuum Cawke waxa uu Dadnimo, Karti, Dulqaad iyo Wanaag badan uu iga Sheegay KHaliifCiise Mudan oo uu yidhi Waa Hogaamiye Wakhtigiisii Aanu Wali Iman.
Waxa Kale Oo uu Wax iiga Taabtay, Siduu Shaqada.Saxaafada Ku Bilaabay iyo Siduu ku Noqday Afhayeenka Madaxwaynihii Somalia Marxuum Siyaad Bare, 
Marxuun Cawke Waxuu ii Cadeeyay intii Uu La Shaqaynaayay Siyaad Bare inuu Ka Bartay Waxbadan islamarkaana La Kulmay Madax badan oo dunidan ka soo Talisay kuwaasi oo kala dhar iyo dhaqanba Duwan.
Marxuum Cawke wuxu si mugle iigu iftiimiyay in SIRTU Tahay wax Masuuliyad u Baahan.
Axmed xasan Cawke Talooyin Nolosha ku Saabsan ayuu I siiyay, Waxaanan Hubaa Daqiiqada aad la kulanto Cawke inaad Ka faa,iidaysay.Cashar nolosha kaa An Faca,
WUXU IGU YIDHI MARXUUM.CAWKE.

:: Waligay Qof Nalama Kala Jiidin oo ismaanu Feedhin intio Aan Caqliyaystay 
:: Waxa Kale oo igu yidhi Qofna kama Caban Qofna Uma Caban, Ee kolba Xaalada Shaqo, Dhaqaale iyo Ta Nololeed ee markaa Taagan ayuun baan la Noolahay.
:: Waxa uu Igu Yidho oo Kale Qof aanan Aqoon oo aflagaado I Gastay Kama Cadhoon mana su,aalin Sobabta uu igu Xanaaqay, Balse aniguunbaa Dib u Raaligaliyay intaana Wuxu I Raaciyay 
?#‎Magac hadaad Yeelato Ilaalin ayuu kaaga Baahanyahay!
:: Waxa Kale oo uu ii Sheegay In uu Tagay Caasimadaha Aduunka Dhamaantood Marka Laga Reebo Laba Caasimadood, intaa markuu igu Yidhi intuu Marxuumku waxoogaa Madaxa Ruxay, Ayuu ii Raaciyay. Xamar Caasimad Duntay iga Dheh 
Marxuumku Wuxuu Ahaa.Nin Niyad Wanaagsan. Qalbigana Qani Ka Ah. Islamarkaana aad u naxariis badnan
Marxuum Cawke Wuxuu Lahaa Curin Fog, iyo Hibo Tabineed oo Dhagaha Dadka inta uu Hadlaayo keenaysay inuu Hanto.
wuxuu Lahaa.Magac Wayn oo Dadka afsoomaaliga ku hadlaa ay aad u Yaqaaneen. Iyo Sumcad dhisan oo laga Dheehan karo Shakhsiyadiisa Wanaagsan
Wuxuu ku Fiicnaa War Akhrinta, iyo Gudbinta barnaamijyada Madadaalada ah.
Wuxuu
Afsoomaaliga Ku Soo.Kordhiyay Eray bixino badan, Sida Naf La Caari, Gagada Diyaaraduhu Ka Haadaan, Maamulka Ulaha Boocda ah ku Tukubaayay, iyo Qaar kale oo Fara Badan.

Axmed Xasan Cawke Markuu barnaamij Diyaarinaayo intuuna Bilaabin Xog Badan ayuu isku Dayi Jiray inuu ka ogaado barnaamijka u Diyaarinaayo, Marxuumku Xidigaha Geeska barnaamij Uu ka Diyaariyay Intuu ku Sifeeyay ma Qabo in Qof wariye ihi hore ugu Sifeeyay Dibna ugu Sifayn Doono.

Marxuum Cawke Wuxuu Ahaa Nin.Xarago.Badan, dhawrsoon,..Xan Neceb, Gacan Furan
Waaya arag ah.

Wuxu Ahaa nin Afka, Dhaqanka, iyo Dhulka Somaliyeed aad u Kala.Yaqaana
Allaha u.Naxariisto Marxuum axmed Xasan cawke oo Xaqii u yimid ilaahii abuuray oofsaday
Aamiim