Maanso Cusub (Doorasho): Abwaan Nimco Muuse, Wajaale

0
1283

Dadaalkii horumarkiyo

dantiyo hawshaan lahayn

intii loo wada diree

daryeel wacan sii la yidhi

ninkii dib ka dayriyee

dabaylaha raaciyoow

dadkaad udaldalan tahoo

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad bado

dalkayga hogaamintii

badwayn doonida dhex,taala

ninkii daydayi karee dabaal

 ugu tagi karaw

aqoonsiga daadku wado

 ninkaa udayoobayoow

cadaalada daadiyoow

 

midkaa sharci diidka iyo

ninkii daacadnimo dilee

garsoorka usoo dusoow

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad ma bado

dalkayga hogaamintii

 

inuu xaaraan daldalo

xumaanta inuu dugsado

 dadkiisa

inuu dulmiyo

nimaan dambi moodinoow

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad ma bado

dalkayga hogaamintii

ninkii qolo doojintiyo

qabyaalad udoodayaw

intii taag daran dadkayga

xaqooga nin duudsiyoow

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad ma bado

 dalkayga hogaamintii

shidaalka dalkayga iyo

 dhamaan khayraadka dihin

inuu qunyar dawlisuu

dilaalo ninkii rabaw

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad ma bado

 dalkayga hogaamintii

ninkii isku duubnidiyo

midnimo duugaynayee

nabada dacaraynayaw

dadkuu rabi duul qudhiyo

 dubiyo diir qudha ka dhigay

inuu kala daadiyuu

diihaalsho

ninkii rabaw walee kuma

doorto

 oo marnaba dayacaad ma

bado

dalkayga hogaamintii

nimaan darxumadu

damqayn ninkii diiftiyo

 haraad markuu cudur

daadsan yahy damaashaad

 iyo dalxiis

 dareen li'i aadayaw

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad ma bado

dalkayga hogaamintii

xilkaa lagu doodayiyo

 muxaafidka dawladiyo

 mucaaridka dacal socdiyo

dhamaan da'yariyo

duqay dantii guudeen lahayn

 ninkii dib uriixayee

 mid gaara danaynayoow

walee kuma doortoo oo

 marnaba dayacaad ma bado

dalkayga hogaamintii

shaxaadka ninkii dardara

 hantida daadaadiyee

musuqa daariyo guryaba

ninkii ka dilaacsadaw

walee kuma doorto oo

marnaba dayacaad ma bado

dalkayga hogaamintii

daliilinta maansadiyo

dabuubtu ayay durkine

 waxaan ku dardaarmayaa

 dariiqa siyaasadiyo

dastuurka

 nimaan aqoon

diktaatooriga qarsoon

haduu is yidhaa dirqiyo

dadkaygoow gabi ahaan

digtoonaadoo ka jira

ogaw qaran-diidka

qaskayga ku doogsadiyo

wixii dab-shidee dahsoon

digniin adag bay qabaa