Socdaalkaygii /Safarkaygii Ceerigaabo: Waxa Qoray: Nuural-huda Cali Banfas (Q2aad)

0
680

Picture1jidka Ceerigaabo run ahantii waa jid aad u dheer una baahan halgan iyo wax u huris si ay u fududaato isu socodaka dadka iyo booqashadda goboladda bari iyo galbeed ee Somaliland.  Safarkaygii waxa uu ceerigaabo kaga soo dhamaaday aniga oo diidan inaan ka tago oo durba la soo qabsanayay nolosha magaaldda.  Waxaan uga sii baqoolnay dhankaa gobolka Sool annaga raacnay jidka ban cadde layidhaa, soo na marnay goobo ay ka mid ahaayeen Badd Weyn oo ah goob taariikh leh kuna caan ah biyo fadhiisan weyn oo kaluun ku nool yahay , jawigeedana aad moodo xeeb, waxaan u sii dhaafnay degmadda Oog oon shaqo kasii qabanaynay, Oog lafteeda intaan ku sugnayn waxaan dareemayay kulayl badan inuu jiro , waxaaban isku idhi dhulkani ma dhul xeebbeed baa ? waayo waxaan dareemayay kulaylkii sida markaa aan joogo Bulahar iyo Ceelsheekh oo kale . kadibna waxaan u sii dhaafnay Caynaba oo ka mid ahayd meelihii aan ka hor intii aanan arag eenan ku soo marin socdaalkan aan hadda iyo jeer odhan jirey tolow goormaan arki doonaa , ama goormaan booqan doonaa?  Waxaan map ka kasii eegoba Ilaahay ayaa qadaray inaan safarkan kusoo maro goboladda bari ee Somaliland qaybo ka mid ah oo ay ugu mudan tahay Ceerigaabo. Socdaalkaa dheer waxa uu ahaa mid aan dal iyo dad ba ku soo bartay runtii oon aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu kabaxay riyaddii uu igu ahaan jirey run na noqday.

Alxamdulilah ILaahay baa mahad leh, waxaan u mahad celinayaa mar labaad dhamaan dadkii nagu soo dhaweeyay goboladda kale duwan, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa reer Ceerigaabo Abdinaasir Axmed Xaji Adam Afqalooc, Caasha-Kiin Siciid, Cabdikarim Maxamed Cumar Australia , Caydaruus Sange, waxaanan marnaba iloobayn dadkii qiimaha iyo wanaaga badnaa ee safarka igu wehelinayay Abdishakur Maxamed Cabdi, Randa Mustafa Haybe, iyo Cabdiraxman Cige oo gaadhiga noo wadday.