Yoolka 16aad aad Ee 17ka Yool Ee Addunyadu Beegsanayso “Helitaanka Nabad, cadaalad iyo haayado karti leh”

0
592

Picture1Yoolka 16aad  ee caalamku hiigsanaayo 15ka sano ee soo socda waxaa weeye "Helitaanka Nabad, cadaalad iyo haayado karti leh" yoolkan oo looga golleeyahay in lagu horumariyo nabadda caalamka iyo helitaanka cadaalad loo simanyahay iyadoo la dhisaayo haayado karti iyo awood u leh suurto gelinta arrintaas. Yoolkan oo muhimad gaara u leh aduunyada oo dhan wuxuu leeyahay 12 bartilmaamood oo midkastaaba muhimmadiisa gaarka ah leeyahay marka la isku wada darana xaqiijinaaya gaadhitaanka yoolkan dahabiga ah waxaanay kala yihiin:

waa in si weyn loo dhimaa noockasta oo tacaddi ah iyo dhimashooyinka ka dhasha; meelkasta oo caalamka ah

cidhibtiridda faraxumeynta, tacaddiyada, ka ganacsiga jidhka bani aadamka iyo dhimashooyika ka dhasha iyo weliba noockasta oo tacaddi ah oo uu ku jiro jidh dilka caruurtu.

hirgelinta shuruuc heer qaran iyo heer caalami ah oo lagu hubinaayo helitaanka cadaalad loo simanyahay.

2030ka waa in siweyn loo dhimaan isu socodka maaliyadda iyo hubka sharci darrada ah; iyadoo la xoojinaayo kasoo kabashada iyo soo celinta hantida la lunsaday, lalana dagaalamaayo noockasta oo denbi wadareed ah.

waa in si weyn loo dhimaa noockasta oo musuq-maasuq iyo  laaluush ah.

waa in la sameeyaa haayado hawlkar ah, lala xisaabtami karo oo xalaal ah (hufan) heer walba.

waa in loo sinnaadaa lagana wada qayb qaataa metelaadda iyo gaadhista go'aamada heerkasta oo ay tahay.

waa in la ballaadhiyaa lana xoojiyaa ka qaybgalka wadamada soo koraaya ee haayadaha maamul ee caalamiga ah.

2030ka waa in la suurtogeliyaa helitaanka aqoonsi sharci ah oo uu helo qofkasta oo caalamka ku nooli oo ay ku jirto diwaangelinta dhalashada.

waa in la hubiyaa helitaanka macluumaadka iyo ilaalinta xorriyaadka asaasiga ah iyadoo la raacaayo shariyada qaran iyo heshiisyada caalamiga ah.

waa in la xoojiyaa haayadaha ku shaqada leh cadaaladda ee heer qaran, sida helitaanka wada shaqayn heer caalami ah oo lagu dhiso awoodooda iyo kartidooda dhinac kasta, gaar ahaan wadamada sookoraaya si looga hortago tacaddiyada lalana dagaalamo argagixisada iyo denbiyada.

waa in la hirgeliyaa lana dhaqan geliyaa sharciyo iyo siyaasado aan takoor lahayn oo horseeda horumar waara.

La soco yoolka 17aad

waxaa soo turjumay
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com 063 4009009