Yoolka 15aad aad Ee 17ka Yool Ee Addunyadu Beegsanayso “badqabka nolosha berriga”

0
628

Picture1Yoolka 15aad  ee caalamku beegsanaayo 15ka sano ee soo socda waxaa weeye "badqabka nolosha berriga" oo looga golleeyahay in la dhaqaaleeyo lana sugo ilaalintai yo habsami u maamulidda keymaha, la dagaalanka xaalufka iyo badbaadinta xayawaanka berriga. Yoolkan oo muhimad gaar ah u leh aduunyada oo dhan wuxuu leeyahay 11 bartilmaamood oo midkastaaba muhimmadiisa gaarka ah leeyahay marka la isku wada darana xaqiijinaaya gaadhitaanka yoolkan dahabiga ah waxaanay kala yihiin:

2020 ka waa in la dhaqaaleeyaa, dibna loo habeeyaa  xasilooni u isticmaalka bay'adda biyaha, iyo dhaqaaleynta biyaha xareedda ah ee dhulka, sida dhul kaymeedka, biyo qabatinyadam, buuralayda,

2020ka waa in la dhaqan geliyaa dhamaan noocyada maamul ee kaymaha, joojinta xaalufinta, dib u abqaalidda kaymaha iyo in si weyn sare loogu qaado dhireynta iyo soo celinta kaymaha caalamka.

2030ka waa in weyn loola dagaalamaa xaalufka, lasoo celiyaa nabaadkii yaraaday sida dhulkii ay saamaysay xaalufku, abaaruhu iyo daadadku iyo xaqiijinta dib u hagaajinta dhulkii wax yeelloobay.

· 2030ka waa in la meeleeyaa dhaqaaleynta buuraha iyo noolaha ku dhul iyo hoos nool si loo harumariyo awoodooda iyo faa'iidooyinkooda si ay qayb uga noqdaan xasilinta horumarka caalamka.

· waa in tallabo degdeg ah laga qaadaa sidii loo dhimi lahaa waxyeelidda dabeecadda dhulka, hakinta dhimashada xayawaanka  iyadoo 2020ka  la ilaalinayo lagana hortegaayo ugaadhsiga noocyada dabar go'aaya.

· waa in si siman loo wadaagaa, saami isku mid ahna laga helaa faa'iidooyinka laga helo hiddo sidaha kheyraadka  iyadoo la horumarinaayo helitaanka khayraadkaas sidii caalamku ku heshiiyay.

· waa in tallaabo degdeg ah laga qaadaa joojinta ugaadhsiga sharcidarrada ah, ka ganacsiga noocyada xayawaanka iyo dhirta aan la ogoleyn, iyadoo la eegaayo baahida iyo ugaadhsiga duurjoogta.

· 2020ka waa in la meelmariyaa shuruuc si loo ilaaliyo si weynna hoos loogu dhigo saamaynta ka dhalata xayawaanka soo galootiga ah (cusub) uu ku keeno biyaha iyo dhulkaba iyadoo la xakamaynaayo noocyadaas.

· 2020ka waa in la dhexgeliyaa qorshayaasha horumarineed iyo kuwa ladagaalanka saboolnimadaba ee heerqaran iyo heerka maxalliga ahba ilaalinta iyo qiimeynta xayawaanada

· waa la ururiyaa si weynna loo kordhiyaa dhaqaalaha si loo dhaqaaleeyo si wanaagsanna loogu isticmaalo noolaha iyo biyaha.iyadoo lagu maalgelinaayo waddamada soo korayaa siday habsami ugu maamuli lahaayeen dhaqaaleynta deegaanka iyo keymaha.

· waa la casriyeeyaa taageerada caalamku ku bixiyo la dagaalanka ugaadhsiga sharci darrada ah, ka ganacsiga noocyada aan la ogoleyn iyadoo sare loo qaadaayo helitaanka nolol wanaagsan ee bulshooyinka oo dhan.

La soco yoolka 16aad

waxaa soo turjumay
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com 063 4009009