Mucjiso Caafimaad: Ilmo Yar Oo Dib Loogu Dhejiyey Madaxa Oo Kaga Go’ay Shil Gaadhi

0
520

Picture10Tallaabo u qaadan waa ku noqotay xitaa khubaradii caafimaad ee fulisay ayaa ay noqotay markii dhowaan koox dhakhaatiir qalniin ahi ay ku guulaysteen in ay madaxa dib ugu dhejiyaan ilmo 16 bilood jiray oo madaxu uu kaga go’ay shil baabuur.

Wiilkan yar oo magaciisu yahay Jackson Taylor waxa uu la socday hooyadii iyo walaashii oo iyadu sagaal sano jir ah, waxa aanay ku safrayeen gaadhi qoys, laakiin gaadhigooda oo ku socday xawaare ah 70 Kilomitir saacaddii ayaa ay isku dhaceen gaadhi kale.

Warkan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u turjumay ayaa shabakadda Digital Journal ay sheegtay in awooddii isku dhaca labadan baabuur ay sababtay in ilmahan yar ay si dhamaystiran u kala go’aan madaxiisa iyo jidhka intiisa kale. Laakiin nasiibwanaag, koox dhakhaatiir ah oo si dhaqso ah ugu soo gurmatay shilkan ayaa qalniin ay lix saacadood oo is-xiga ku jireen kadib ku guulaystay in ay madaxa ilmahan yar dib ugu celiyaan halkiisa.

Kooxda dhakhaatiirta ah ee qalniinkan ku guulaysatay waxaa hoggaaminayey Dr. Geoff Askin oo ku xeeldheer qalniinnada, laf-dbabarka, isaga iyo kooxdiisuna waxa ay ku guulaysteen in ay madaxa dib ugu xidhiidhiyaan jidhka ilmahan yar intiisa kale iyaga oo adeegsanaya xasowo yaryar (Waayirro) iyo qayb yar oo ka mid ah feedh ay ilmahan yar kala soo baxeen.

Dr. Geoff ayaa sheegay in dhaawaca ilmahan yar soo gaadhay uu  ahaa kii ugu xumaa ee noociisa ah ee uu abid arkay. Shilkan iyo daweyntan mucjisada ahi waxa uu dhacay magaalada Brisbane oo xarun u ah gobolka Queensland ee dalka Australia.