Jaamacadda Maroodi-jeex Oo Si Rasmi Ah Hargeysa Looga Furay

0
552

Picture2Hargeysa (Geeska)-Jaamacad cusub oo lagu magacaabo Maroodi-jeex International University oo ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ayaa si rasmiya loo furay.

Munaasibadii Jaamacadan lagu daah furayey, oo si balaadhan loo soo agaasimay isla markaana shalay lagu qabtay Mansoor Hotel ayaa waxa ka soo qayb galay aasaasaha Jaamacadan Prof: Cabdi Gaas, Wasiiro, Xildhibaano, Culimo, Masuuliyiin ka socda Xisbiyada,Ururada Bulshada, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf aad iyo aad u tiro badan.

Mulkiilaha Jaamacada Maroodi-jeex Prof:  Cabdi Gaas oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu ka war bixiyey sababta ku dhalisay inuu Jaamcadan furo, “Waxa aan tixgelinayaa dhawr qof oo magaca Jaamacada Maroodi-jeex fikirkeeda  oo ay  ka mid yihiin  Axmed Siciid Cige iyo Sheekh Aadan Siiro, iyo qaar la mid ah waad ku mahadsan tihiin magaca wanaagsan ee aad Jaamacada u bixiseen, aniga sharaf ayey maanta ii tahay inaad igala soo qayb gashaan daah furitaanka Jaamacadan oo aan doonayo inay wax ka qabato dhaliilo badan  oo Saddexdii sano iyo badhkii aan  anigu shaqsi ahaan aan ku soo arkay, waxa weeyaan dal aan la aqoonsanayn ayeynu nahay manhajkeena qudhiisu in wax laga qabto ayuu u baahan yahay, Xaqiiqdii dalka waxaa ka jira jaamacado faro badan balse waxaa aanu ku dadaali doona sidii aanu u buuxin laheyn waxii ka dhiman jaamacadaas dalka hore uga jirey “

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Sheekh Aadan Siiro, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ,Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan , Cabdikariim  Axmed Mooge,guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax, Prof. Xujaale iyo Masuulyiin kale waxaanay ay dhamaantood ay ku soo jeediyeen dardaran iyo dhiirigelin u soo jeediyeen Jaamacadan, iyaga oo aasaasaha Jaamacadan amaan balaadhan u soo jeediyey. 

Masuuliyiintan ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in jaamacadaha wadanku bataan si loo tartamo, waxase ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in waxbarashada la tayeeyo si loo soo saaro arday aqoonyahan ah oo wadanka wax u qabata.