Loolanka Siyaasiyiinta KULMIYE Oo Noqday Mawduuca Ugu Doodda & Hadal Haynta Badan Iyo Kursiga Madaxweyne-xigeenka Oo Bulshadu Jawaab Weli U La’dahay

0
517

Picture3

Hargeysa(Geeska)-Loolanka xisbiga KULMIYE ee loogu jiro noqoshada musharaxa madaxweyne ee xisbigaas u meteli doona doorashooyinka 2017 ayaa noqday mawduuca keliya ee 10-kii maalmood ee u dambeeyay hadheeyay goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Loolankan oo u dhexeeya siyaasiyiinta baarqabka ah ee KULMIYE, waxa uu noqday mawdiicii ugu xiisaha badnaa ee dhinaca siyaasadda bulshada soo mara dhawrkii bilood ee u dambeeyay. Goobaha ay bulshadu barqada ku qaxwayso iyo weliba goobaha kale ee gelinka dambe lagu qayilo ayaa mawduuca keliya ee lagu falanqaynayaa wuxuu noqday loolanka xisbiga KULMIYE, waxaanay dadka reer Somaliland ee siyaasadda xiiseeya uu mdi kasta oo ka mid ahi gaarkiisa u samaynayaa xisaabtan uu ku soo saarayo musharaxa ku guulaysan doona xisbiga KULMIYE.

Hase yeeshee laba qodob ayaa dadka ku noqday masalo ay furfuri kari waayeen oo uu qof waliba dhinaciisa ula kacayo. Labadaasa masalo ayaa ah musharaxa uu Madaxweyne Siilaanyo taageeri doono, waxaana dadka ku adkaatay inay intooda badani isku raacaan calaamadinta musharaxa uu Madaxweyne Siilaanyo si cad u taageeri doono marka la gaadho wakhtiga uu qabsoomayo shirweynaha xisbiga KULMIYE. waxase ay dadku isugu biyo shubanayaan in Madaxweyne Siilaanyo taageeri doono labada Ilma Biixi midkood [Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi] oo ah labada musharax ee ugu awooda badan siyaasiyiinta baratamaysa ee doonaysa in loo caleemo saaro musharaxa madaxweyne ee xisbiga.  Qodobka labaad ee ay bulshadu ku kala qaybsantahay ayaa isna ah musharaxa madaxweyne-xigeen ee soo bixi doona. Saylici oo wakhtigan ah madaxweyne-xigeenka, ayaa waxa jira musharixiin kale oo la filayo inay kula tartamaan musharaxa madaxweyne-xigeen ee KULMIYE, waxaana suurtogal ah in qaar ka mdi ah golaha wasiiradu ay murashixiin madaxweyne-xigeen u noqdaan qaar ka mid ah musharixiinta baratamaysa ee doonaysa kursiga musharaxa madaxweyne ee KULMIYE. Sidaas daraadeed goobaha ay bulshadu kaga doodayso qodobkan waxa ay u waayeen jawaab waafi ah oo ay ku cadeeyaan musharaxa ku guulaysan doona madaxweyne-xigeenka KULMIYE. Hase yeeshee haddii sida la qorsheeyay uu shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsoomo wakhtiga loo mudeeyay, waxa ay natiijada saadaasha ahi soo bixi doontaa marka la marayo badhtamaha bishan Oktoobar oo la kala ogaan doono awooda musharixiinta iyo sida ay u kala haystaan taageerada xubnaha golaha dhexe.