Hinduus Cadhaysan Oo Dilay Hindi Muslim Ah Oo Ay Ku Eedeeyeen In Uu Hilib Lo’aad Cunay

0
778

Picture10Delhi (Geeska)- Koox gadoodsan oo Hindi ah ayaa woqooyiga dalkaas ku dilay muwaadin Konton jir ah oo ay ku eedeeyeen in qoyskiisu ay guriga ku haystaan isla markaana karsadaan hilib lo’aad.

Galabnimadii isniinta ee toddobaadkii hore 29kii Sabtembar 2015ka ayaa degmada Dare oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh, koox rag ahi ay gurigiisa ku soo doonteen Maxammed Akhlaaq oo isagu ahaa Hindi muslim ahaa waxa aanay ku boobeen laad iyo garaacis kala duwan, aakhirkiina waxa ay ku dileen dhagax. Sidoo kale wiil uu Maxammed Akhlaaq dhalay oo 22 sano jiray ayaa ay kooxdani soo gaadhsiiyeen dhaawacyo khatar ah oo cisbitaal oo dhigay.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay shabakadda BBC qaybteeda Afcarabiga ayaa intaas ku daray in booliiska Hindiya ayaa gacanta ku soo dhigay siddeex ruux oo lagu tuhmayo in ay falkan ku lug lahaayeen waxa aanay sheegeen in ay raadinayaan kuwo kale iyo sababta falkaba.

Gawraca Lo’da ayaa dalka Hindiya xasaasi ka ah, maadaama oo dadka aaminsan diinta Hinduusku ay rumaysan yihiin in lo’du ay tahay xayawaan xurmo Ilaahiya leh (Muqaddas ah).

Dalka Hindiya oo qawmiyado iyo diimo aad u tiro badani ku wada dhaqan yihiin waxaa ugu badan dadka aaminsan diinta Hinduuska oo tiradooda lagu qiyaaso in ay boqolkiiba 80 ka yihiin dadka dalkaas ee tiradoodu gaadhayso 1.2 Bilyan oo qof. Gobolka Uttar Pradesh ee uu ka dhacay falkan lagu dilay ninkan muslimka ah ee la sheegay in uu hilib lo’aad cunay, waxa uu ka mid yahay dhowr gobol oo lagaga dhaqmo sharciyo aad u adag oo mamnuucaya gawraca, iibka iyo cunista hilibka lo’da.

Laakiin qoyska Maxammed Akhlaaq oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in warka sheegaya in ay hilib lo’aad haystaan uu yahay been cid cadow ku ahi faafisay si falkan oo kale ugu dhaco, qoysku waxa uu sheegay in hilibka qaboojiyaha ugu jiraa uu yahay hilib idaad, oo aanu ahayn hilib lo’aad, booliiskuna waxa uu sheegay in uu hilibkaas qaaday si loo soo baadho nooca uu yahay.