Maraykanka Oo Dadkiisa Uga Digay Inay U Socdaalaan Somaliya, Kana Dariyay Amnigeeda

0
555

Picture6Dawladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah, Mareykankuna aanu safaarad ku lahayn.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Soomaaliya tagaan inaanay heli karin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aanay jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo dadkaasi kala talisa dhinaca safarrada.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya aanay ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro qaadayaan ururrada argagixisada ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhanka kale, waaxda arrimaha dibadda Marekanka ayaa ku boorisay  maraakiibta caalamiga ah inaanay ku safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista burcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya ugana digay muwaadiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya.