Xildhibaan Kijaandhe Oo Maanta Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqaya Musharaxnimadiisa KULMIYE

0
652

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu yahay musharax madaxweyne oo xisbiga KULMIYE ka dhex baratami doono shirka golaha dhexe ee 10 November.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa la filayaa inuu maanta munaasibad Hargeysa lagu qabanayo kaga dhawaaqo inuu xisbiga ka dhex tartami doono isagoo ergada golaha dhexe ka codsan doona inay codkooda siiyaan marka la gaadho shirka bisha dambe u furmaya. Xildhibaan Kijaandhe ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo bandhigi doono barnaamijka uu ergada kaga doonayo codka musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.

Musharixiinta ku dhawaaqay inay ka dhex taramayaan xisbiga KULMIYE ayay tiradoodu sii kordhaysaa, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa sii siyaasadaya loolanka ka dhex taagan siyaasiyiinta ku bahoobay xisbiga KULMIYE ee doonaya in loo doorto musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE meteli doona doorashooyinka 2017.