Kaftan: Samaale Oo Ku Soo Biiray Silsilada

0
597

Picture4Sheekadii way dheeraatay oo waxa ku soo biiray afarleydii Cabdicasiis Samaale oo isna hawada soo mariyay intan hoos ku qoran

Labadiinan murankiyo gabayga isu mariyee

mataanaha  ilma biixoow

miyaad moogantiin talow

inaan ahay nin  musharaxa

miyaa moogantiin tallow

mid Maraykan jiray

iyo mid mujaahid sheegtaba

inaanan ka maagayn

 miyaad moogantiin tallow

Inaan ahay Mufti Sheekhoo

Marna macalin soomaray

 iyo mudane baarlaman

maaliyadana hayn jiray

miyaa moogantiin

tallow meel kastaba

hagaadhee marna

Inaanan liicayn

Miyaad moogantiin tallow

inay madashii dhabaqdoo

mid kalena mudh  soo yidhi

meeshiiba yool tahay.