“Somaliland Gorgorton Ma Gelin Karo Qof Kasta Oo Awood Lihi”

0
612

Picture2Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa khudbadii jimce ee shalay wuxuu  qaar ka mid ah ganacstada ugu baaqay inaanay shilimaadka uu Alle siiyay ku kala qaybin bulshadooda.

Sheekh Aadan, waxa kale oo uu sheegay inaan qofna gorgorton gelin karin qaddiyadda Somaliland, isagoo sheegay inaan qofna lagu ixtiraami karin inuu ka soo horjeesto qaddiyadda umadda. “Kii baystanayda haystay ayaa loo taag layahay oo dadkii qaybinaya oo dadkii rabshaya. Lacagta illaahay ku siiyay markaad doonto in dalkii dhamaa kooto lagaaga dhigo oo aad ku shaqaynayso, aniga haamaha i siiya, aniga dekedda I siiya aniga isgaadhsiinta ii xidha, islaamkuna wuu la dagaalamayw waxal a yidhaahdo Kootada.” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Ugu dambayn wuxuu Sheekh Aadan soo jeediyay in la ilaaliyo nabadgelyada uu Alle ku manaystay Somaliland taas oo loo soo galay halgan dheer oo naf iyo maalmba leh. “Markaynu aragno wax nabadgelyada waxyeelaya inagoo dhammaystiran waa  inaan nidhaahno wax soconaya oo dalka dhaqaya maaha.”

Ugu dambayn wuxuu Sheekh Aadan yidhi, “Somaliland gorgorton ma gelin karo qof kasta oo awood kasta leh ama magac kasta leh ama bulshada acyaanteeda ka mid ah nooc kasta ha ahaadee. Haddii intaan soo qaado calanka buluuga ah aan masaajidka taago oo la yidhaahdo odaygii masaajidku ee Aw Xirsi xornimadiisa ayuu leeyahay, saadambe uu Aw xirsi kale bakhaarkiisa ka taago calankii buluuga ahaa.”

Wuxuu sheekhu sheegay inaan qofna lagu ilaalin karin inuu qaddiyada umadda dhaawaco oo uu waxyeelo.