Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Saddex Ka Eeg

0
586

Picture1Kulmiye Kalfadhigiisa Golaha Dhexe ee 10ka November sedex mid ka eeg. Inta ka horaysa in laga heshiiyo musharaxa madaxwaynaha oo shirku sidaa ku qabsoomo oo xaalku sidii shirwaynihii noqdo gacan taag hal diidan ma leh.

In laga heshiin kari waayo oo xaalku noqdo tartan furan jaantu fagax ninba calafkiisa ha ka qaado
Iyo tan sedexaad in in shirku qabsoomi waayo uu fashilo xaalkuna ka fursan waayo bal dib inooga dhiga waana ta ay ku socoto malahayga. lakiin dhinaca kale hadana waa ta saamaynta ugu xun ku yeelan karta Somaliland iyo doorashooyinkeeda guud ahaan,gaar ahaana KULMIYE ka xisbi ahaan oo awal kala lulasho ayaabay ahayde kala go' iyo ka sii daran noqoto.